Wararkii ugu Danbeeyay Roobab Dabeylo Wata Oo Ka Da'aya Puntland+ Khasaaraha Ay Sababeen
wararkaugu danbeyay ku saabsan Roobab dabeylo wata oo da'aya Puntland+ khasaaraha ay sababeen
Magaalooyinka Puntlad oo ay kamid caasimadda Garowe, waxaa illaa iyo haatan ka da'aya Roob wata dabeyl aan sidaasi xoog badnayn, waxaana saakay oo sabti ah xiran dhammaan xarumahii waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale addeega korantada ayaa mararka qaarkood hawada ka baxaya.
Hargeysa(HWN):-Roobabka dabeylo wata ayaa hadda ka da'aya
xeebaha Badda Hindiya gaar ahaan degmooyinka Eyl, Xaafuun iyo meelo kale oo
kamid ah Badda Cas. Wuxuuna wataa Roobku qabow daran.
Maamulka Puntland ayaa
dadweynaha kula taliyay inaysan Ku safrin Togagga iskana ilaaliyaan dhulka Biyo
Mareenka ah ayna muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah, iyadoo laga cabsi
qabo inay daad xoogan ka dhashaan Roobabkaan oo da'aya in ka badan 24saac.
Khasaare aad u baaxad weyn weli lamasoo tebin,
inkastoo degaanada xeebaha kuyaala lagasoo sheegaya in dabeyshu waxyeelo
ugeysatay guryo iyo qalab kalluumaysi oo badan.
Magaalooyinka Puntlad oo ay kamid caasimadda Garowe, waxaa illaa iyo haatan ka da'aya Roob wata dabeyl aan sidaasi xoog badnayn, waxaana saakay oo sabti ah xiran dhammaan xarumahii waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kale addeega korantada ayaa mararka qaarkood hawada ka baxaya.
Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...