Af-Maroorshe Madaxaa Madhan ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday December 07, 2019 - 09:53:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Af-Maroorshe Madaxaa Madhan ( Abdi-Shotaly).

    Ratigaan hayin ahayn, aqalkuu ridaayoo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ratigaan hayin ahayn, aqalkuu ridaayoo,
rarka lama dul saaro, ilayn waa buubaal oo wuu burburi-nayaa xakabka, waxana ka dhasha in reerku bilaa guri noqday, oo dabaylaha iyo dayro dhaaf-yadda dhaxamuhu ka helaan banaanka, inta maatadda ahina uguba dhamaato. Waxa cayn-kaas ka dhigan kan af-marooshe oo madaxa madhani iska dul saaran yahay, waa ka asakriga wajaqsan ee la yidhaaho" Raggii ma adiga aka hadhay" markaa meesha kaasi hor geblay-naayo, kuwa wax ka sugayaa, ee rajo ka qabaa saw kama sii liitaan, ilayn waa maskax-daynu naqaanaye. Xikmad carbeed baa waxay tidhaahaa " Idal-maniyatu anshabat anyaabi-haa aw ad-faarihaa, al-faytul kuli tamiintu laa tanfac" oo micna-heedu yahay " Haddii geeridu miciya-heedda kugu soo taagto ama cidiya-heedda, qardhaas laguu qoro iyo quraan lagugu akhriyaa-toona, mid-na kuma anfaco" aan kuu soo koobee, waxa sidaas ka dhigan, wixii beri hore loo yiqiinay ama la odhan jirey Somaliland, oo gorey-gu ka hadaafay, intii uu xukunka boobay geb-geb-laha " Xaafad-tooyadda" hantidda ummadda ku futeeyaa. Ina Cabdale xasan baa wuxu yidhi " Caamir waa saleelee, annaa haatan caymadiye"  Somaliland dambe oo aad maqalaysaa waa habeenkii xalay ahaa oo dib u soo noqday, ee yaan loo fadhiyin. waa khiyaali iyo riwaayad aan meel-ba jirine.

 

Hees qaraami ah, baa waxa murtidda ku jirta ka ma ahaa  " Geedkii ka magoola meel gebiya-ba, malagu geela waa ku madhin jirey, ee wad-kayggii dhunkaal ma muud-saday. Meeshii baaba'aysa kaas oo kale baa loo soo diraaye, Allay-lehe Hoos madoobe aan lagu soo dhawaan baa u baxay, oo weliba inta lagu naas nuujiyaa xoolaha ummadda laga dhacaayo, kuna dhereg dhacsadda, waxa intii kale ka bakhti-yeyso, ee ay doox-yadda xashiishka uga guranayaan, ay in gaar ahi ugu sacab garaacayaan ( Calaa-shaan ayaxa meesha ku habsaday baanu isku isir nahay), sidaas iyakoo misna ku duminaaya, bay kuugu sakhira-yaan mucaarid baa duminaaaya iyo beel heblaayo baa Koonfur inagu wadda, iyaka oo ah kuwii Xaramka kula shiraayey, ee loo soo saxeexaayey wax walba, Kiiniya kula kulmaayey Axsaabta mucaaridka ah ee Somaliya, ku dhoofa Baasaboorka Farmaajo, oo weliba Hargeysa guda-heedda laga qaato, aynu runta isu sheegno'e, maxaa la isu yeell-yeelayaa? oo kii kaba kala baxay uu meel kale farta ugu fiiqayaa?

 

Hees kale baa iyana waxay ahayd, oo murti-deedu ina odhanaysaa sidatan " Laan daaqa geeluba, lebiggii jarka u dhaw, intuu laac is leeyahay, saw looli kama dhaco" markii la curyaamiyey, waa taas ka booday gabaa-hirigta aanay dib uga soo laabmayn, ee loolidda gebi-yaddii Daallo iska shubtay, in ay mar kale dib uga soo ruqaansato, xabaasha asakrtu ku riday, iyana waa dunidan oo ilaahii lahaa, uu imika mar keliya dib u soo nooleeyo, intii hore u dhimatay maanta, taas oo ah wax aan dhici karin inta ka horeysa, maalintii uu ugu talo galay. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, haduu ku maraayo iyo hadii kale-ba, oo aad ka mid tahay inta xeeedhadda malabka ah ku dhex dabaala-naysa, runi waa taas oo kuwii qoobabka jaray ee cuqda-daysnaa, baa aboor-ba aboor u dhiibayaa. waxad ku garataan, bal Af-Dulaaq" baa uu imikana u dhiibay Biyaha, akhristaw ma is weydiisay sababta keentay? Hadaad doonto iska dhega tir, laakiin waxay tahay xaqiiqdu " Shan iyo sodon milyan oo doolar" ( $35 Milyan doollar), baa mudo afar sano ah ku bixisay EU-du laba bilood iyo badh hor-teed, oo lagu biyo gelinaayo Hargaysa, laguna hagaaji-naayo ceelalkii geed deeb-leh, kuwo cusub-na lagu qodaayo. sababta uu askarigu u geeyey " Af-dulaaq", waa siddii uu gacanta ugu soo gelin lahaa xisaab-taas, ilayn muwaadin tuug-tuug buu ku xil qarsadaaye.

 

* N.B Tuugaw Mareegaale, Adigoo Lax Gaadaaya, Xiniin-yaha Mas Kaa Goosay!

Abdi-Shotaly

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...