Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Qeybo Ka Mid Ah Deegaannada Puntland

0
Saturday December 07, 2019 - 08:54:39 in News by
  • Visits: 2127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Qeybo Ka Mid Ah Deegaannada Puntland

    Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Qeybo Ka Mid Ah Deegaannada Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da'aya Qeybo Ka Mid Ah Deegaannada Puntland

Hargeysa(HWN):- Wararka naga soo gaaraya deegaannada Bari ee Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka da'ayeen Roobab Mahiigaan ah oo wata duufaanno culus.

Duufaannadan iyo Roobabkan ayaa noqonaya kuwo maalmihii ugu danbeeyayba laga sii digayay in ay ku dhufan doonaan qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan kuwa dhaca Miyiga fog ee gobolka Bari.

Daadad sidoo kale ka soo rogmaday Roobabka ku da'aya dhulka Buuraleyda ah ayaa lagu soo waramayaa in ay geysteen khasaare kala duwan walow ilaa iyo hadda aan la soo sheegin dad ku dhintay.

Maamulka gobolka Bari ayaa hakiyey isu socodka gaadiidka magaalada Boosaaso iyo gobolada kale ee Puntland,deegaannada ay duufaantu saameysay waxaa ka mid ah Degmada Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo Deegaano ku dhaw dhaw, walina waxaa jira digniinno loo jeedinayo dadka deegaannadaa ku dhaqan.

 

Hadhwanaagnews

 


Loading...
Loading...