Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Dedaalo Ay Midawga Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qadiyada Somaliland

0
Saturday December 07, 2019 - 04:44:39 in News by
  • Visits: 2020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Dedaalo Ay Midawga Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qadiyada Somaliland

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Dedaalo Ay Midawga Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qadiyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Dedaalo Ay Midawga Afrika Kaga Dhaadhicinayso Qadiyada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ku canaanatay inay weli ka maagayaan aqoonsiga Somaliland, waxaanay xukuumadu sheegtay inay dedaal ugu jirto inay qaddiyadda Somaliland ku dabo-gasho Midowga Afrika.




Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan u waramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, waxa la weydiiyay sababta ay beesha caalamku si isku mid ah ugu eegi wayday qadiyadaha Somaliland, Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Somaliland labadan wadanba kaga hordhawaaqday madaxbanaanideeda, waxaanu Wasiir Faratoon ku jawaabay "Arrintaasi waxay u taalaa inay Beesha caalamku ka jawaabto. Runtii ma garanayno sababta aay Beesha caalamku uga faaganayso inay na aqoonsadaan. Somaliland waxay leedahay dhammaan sharciyadii iyo shurudiihii qaran lagu noqonayay oo ay ku jiraan aftidiii shacabkayaga oo si cad u sheegtay mawqifka shacabka Somaliland. Waxaanu si adag u aaminsaahay hal qodob. Somaliland ugu dambayn waxay heli doontaa madaxbanaanideeda. Wuxuu ahaa Midow Mutadawancimo ah oo aanu la galnay Soomaaliya. Laakiin markii ay reer Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadoodii, waxay si cad oo ay xaq u leeyihiin uga baxeen Midowgii Soomaaliya.”


Wasiir Faratoon ayaa la weydiiyay inay leeyihiin qorshe ay kaga hawgalayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo culays lagu saarayo aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi:-


"Waxaanu isku dayaynaa sida ugu wanaagsan ee aanu awoodno. Mawqifkayagu waxa weeye inaanu diirada saarno inaanu beesha caalamka qaddiyadayada hordhigno oo aanu sida ugu wanaagsan isugu dayno inay beesha caalamku ogaato waxaanu doonayno. Waxaanu isku dayaynaa inaanu qaddiyadaya ku dabo-galno Midowga Afrika iyo xidhiidhada kale ee diblomaasiyadeed ee gobalka aanu ku leenahay.”

Loading...
Loading...