Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Baaqanaya Xaflad Lagu Gudoonsiinayo Abaal Marinta Nabad Ee Nobel Iyo Sababta Keentay
Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay inuusan ka qayb gali doonin shir jaraa'iid oo ahaa mid soo jireen ah marka uu guddoomayo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize, isbuuca soo socda.
Tallaabadan ayaa waxaa cambaareeyey dad badan.
Guddiga Golaha abaalmarinta Nobel-ka iyo madaxa mac-hadka Nobel, Olav Njølstad, ayaa warbaahinta u sheegay in go'aanka Mr Abiy uu dhibaataynayo guddiga.
Mac-hadka Nobel iyo guddiga ayaa qabay rajo ah in Abiy Axmed uu oggolaan doono arrintaas.
Afhayeenka Ra'iisul Wasaare Abiy, Billene Seyoum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Mr Abiy uu ku mashquulsan yahay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalkiisa, kuwaasoo ay mas'uuliyad ka saaran tahay.
Mr Abiy ayaa lagu wadaa inuu tago magaalada Oslo 9-ka bisha December, xilligaasoo ah maalin ka hor xafladda abaalmarinta.
Muxuu ku muteystay?
Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.
Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.
Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay "nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea".
Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.
" Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan".
Waa kuma Abiy Axmed?
Markii uu Ra'iisal wasaare noqday bishii April 2018-ka ,Mr Abiy ayuu isbadello badan ka hirgeliyay dalkiisa oo loo arkayay qaran ay dowladda gacan bir ah ku haysay.
Tan iyo inta uu hoggaanka dalka Itoobiya uu qabtay Ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed oo ay haatan hal sano u buuxsantay waxaa dalka Itoobiya ka socday isbeddello dhinacya badan taabanaya.
Kumanaan maxaabiis ah ayuu sii daayay oo u badnaa mucaarad. Kuwa kale oo dibad joog ahaa ayaa dalka dib ugu soo labatay. Wuxuu soo afjaray collaadii muddo 20 sano ah dalkiisa kala dhexeysay Eretria.
Dr Abiy Axmed oo wax laga weydiiyey sarreynta sharciga hirgelintiisa iney xukumaddiisa dhibaato kala kulantay taasina ay sababtay dhimasho iyo barakac aad u badan oo dhan walba ka dhacay.