Akhriso Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Maayarka Xabsiga La Dhigay Ee Magaalada Nairobi

0
Saturday December 07, 2019 - 04:16:36 in News by
  • Visits: 1859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Maayarka Xabsiga La Dhigay Ee Magaalada Nairobi

    Akhriso Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Maayarka Xabsiga La Dhigay Ee Magaalada Nairobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Xaqiiqooyin Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Maayarka Xabsiga La Dhigay Ee Magaalada Nairobi


Ciidamada booliska ee Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Barasaabka magaalada Nairobi, Mike Sonko, oo ka mid ah siyaasiyiinta xilalka sar sare ka haya waddanka.


Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la'yahay.



Laakiin ma ogtahay in Sonko uu si weyn uga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee Kenya, ayna jiraan xaqiiqooyin cajiib ah oo isaga si gaar ah ugu saabsan?


Ka hor inta aan Mike Sonko loo dooranin inuu noqdo duqa magaalada Nairobi, wuxuu ahaa xubin ka mid ah aqalka odayaasha ee Senate-ka Kenya, isagoo matalayay ismaamulka Nairobi intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2017-kii.


Siyaasigan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan dalka Kenya, wuxuuna magaciisu safka hore ee wararka ku jiray muddo dheer.

1- Labiskiisa qaaliga ah

.



Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.


Xilligii uu ka tirsanaa aqalka baarlamaanka, gaar ahaan golaha Senate-ka, waxaa jirtay mar lagu dhaliilay nooca labiska uu uga qeyb gali jiray kalfadhiyada, maadaama uu aad uga duwanaa mudaneyaasha kale.


Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si joogto ah u muujiya inay la dhacsan yihiin hab-labiskiisa, iyagoo ugu yeera qaabka loo yaqaanno "Hip-Hop Style".


Sidoo kale siyaasigan ayaa la sheegaa inuu aad diiradda u saaro habka jarashada timaha, kaasoo uu marba qaab ka dhigto.


Labisyada kale ee Sonko waxaa ka mid ah dhagaha, faraantiyada, silsiladaha qoorta lagu xirto iyo okiyaaleyaasha loogu talagalay qorraxda, kuwaasoo mar walba si joogto ah loogu arko.


Siyaasigan aftahanka ah ayaa sheegay inuu labiskiisa cajiibka ah uga dan leeyahay inuu ugu adeego dhalinyarada jiilka cusub ah.


2-Codka dheer ee ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa


Tan iyo markii uu Sonko la wareegay xilka duqa magaalada Nairobi, wuxuu marar badan warbaahinta iyo baraha bulshada uga hadlay howlgallo uu fuliyay oo la xiriira dhinaca la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo caddeymo uu helay oo uu soo bandhigay.


Wuxuu si toos ah u magacaabaa siyaasiyiin kale iyo saraakiil uu ku eedeeyo inay wax isdabamarin sameeyaan.


Hase yeeshee, sida hadda muuqata, waxaa loo heystaa lacag farabadan oo ka maqan dhaqaalaha ismaamul goboleedka Nairobi ee uu isagu hoggaanka u hayo.


Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji, oo ah wiilka uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu gacanta ku hayo caddeymo ku filan eedeymaha musuqmaasuqa ah ee lacagta looga lunsaday maamulka Nairobi.


3-Tallaabooyinka uu ku muujiyo u hiillinta dadka danyarta ah

.

Sonko ayaa marar badan la arkay isagoo u doodaya dadka dakhligoodu uu hooseeyo, kuwaasoo uu 'u dagaallamo' sidii uu ugu soo dhicin lahaa xuquuqdooda uu sheego in la duudsiiyay.


Taageerayaashiisa waxaa ka mid ah ganacsatada loo yaqaano waratada, kuwaasoo marar badan uu dooday intii uu xilka hayay iyo ka horba.


Sidoo kale wuxuu dhowr jeer warbaahinta kasoo muuqday isagoo la tacaalaya dad uu ku eedeynayay inay si sharci darro ah ku qaadanayeen dhul ay dad danyar ah lahaayeen.


Sonko ayaa lagu yaqaannaa inuu si qarsoodi ah ku tago goobaha loogu adeego dadweynaha, sida isbitaallada guud iyo xarumaha kale ee dowladda, wuxuuna mararka qaar tagaa isagoo ay la socdaan ilaalo kooban.


4- Noloshiisii hore ee "tuuganimada ahayd"

.

Ninkan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray.


Bishii January ee sanadkan 2019-ka, idaacadda la'iska arko ee Citizen ayuu si toos ah uga sheekeeyay taariikhdii uu soo maray.


Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay.


Laakiin dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa dhinaca musuqmaasuqa iyo waxa uu ugu yeeray "tuugnimo".


"Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas'uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada" ayuu yiri Soko.


5-Xidhiidhka shacabka ee baraha bulshada

.

Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha Sonko ayaa si toos ah ugala socda bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida facebook.


Mararka qaar si toos ah ah ayuu toos uga soo muuqdaa isagoo kala sheekeysanaya dadka ku xiran.


Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka lahaa waxay ahayd markii uu isagoo toos ugu jira boggiisa Facebook-ga lacago u qeybiyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa.


Wuxuu xitaa boggaas u adeegsadaa inuu ku baahiyo arrimaha xasaasiga ah ee ay warbaahinta la iska arko ka caga jiidaan.


Sonko ayaa hadda wajahaya maxkamadeyn, waxayna sida muuqata dadka reer Kenya isha ku heynayaan sida uu u dhaco kiiska hadda loo xiray.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...