Dawlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Xiisada U Dhaxaysa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Iyo Xasan Daahir Aweys

0
Friday December 06, 2019 - 23:40:28 in News by
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Xiisada U Dhaxaysa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Iyo Xasan Daahir Aweys

    Dawlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Xiisada U Dhaxaysa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Iyo Xasan Daahir Aweys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Xiisada U Dhaxaysa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Iyo Xasan Daahir Aweys


Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arinta buuqa badan dhalisay ee ku saabsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo eedeymo uu u soo jeediyay Dowladda.

Natiijada sawirka wasiir maareeye


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga BBC ayaa ka difaaca Dowladda eedeymaha uga yimid siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay in ay dowladdu ku soo abaabushay Culimo qaarkood ugu hanjabay dil.

 

'' Waxaa rabaa marka hore in aan arinkaa uga jawaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur saaxiibkey waxaan leeyahay waad hadashay arin Diin ku lug leh baad ka hadashay, Dowladdu kuma aysan oran arin Diin la xiriirta ka hadal, waa lagu heystaa Culimo dhinacyo badan leh ayaa ku heysata oo arintaada ridisay, marka arintu eedeyn dowladdeed iyo hebel bey-nu is heynaa ma khuseyso, arin aftahannimo u baahanna ma'aha, waa arin khatar ah oo Diin la xiriirta'' ayuu yiri Wasiir Maareeye.


Wasiirka ayaa sheegay in hadda waxa kaliya ee la gudboon Cabdiraxmaan Cabdishakuur tahay in uu is bari -yeelo oo meel fagaaro ah bulshada iyo culimada Soomaaliyeed kula hadlo, '''Waxaan ugu nasteexey-nayaa Cabdiraxmaan in uu Aakhiradiisa iyo Aduunyadiisa u baqo oo uu is bari-yeelo, waayo arintu waa arin khatar ah oo Diin la xiriirta, waa in uu qabtaa madal Culimadu goob joog ka tahay arinkaana uu ka hadlaa sidaana isku bari yeelaa''


Mar wax laga weydiiyay eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah Dowladda fursad u siisay Xassan Daahir Aweys in uu soo duubo muuqaal uu dil ugu hanjanayo' ayuu yiri'' Wax ka jiro arintaa malaha Xassan Daahir haddii uu xabsi Guri ku jiro xaq ayuu u leeyahay in uu teleefoonkiisa gacanta heysto, marka teleefoonkaa ayuu adeegsaday isaga oo u arka in Diintiisa la soo weeraray' ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Loading...
Loading...