Isu Baahan Kala Orod, Afka Nool Itaal Daran, Awrkaas Cirkeesare, Ururkiyo Laxaha Qabo.

0
Friday December 06, 2019 - 23:10:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isu Baahan Kala Orod, Afka Nool Itaal Daran, Awrkaas Cirkeesare, Ururkiyo Laxaha Qabo.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb). Salaan Kadib Waxan Mid Khaas Ah U Soo Dirayaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim (Ascwrwb). Salaan Kadib Waxan Mid Khaas Ah U Soo Dirayaa,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-ISU BAAHAN KALA OROD,AFKA NOOL ITAAL DARAN,

   EHELKEED NEBCAATOOY,ADDEEGSIGA SHISHEEYIYO,

   CADAWGEED MA ARAGTOOY,IYADU ISU JEEDAAY,

   AJANEBI JECLAATOOY,DOQON LAGU ADEEGTAAY.

 

2-AWRKIRAALE BADANEEY,EEDAHEEDA RAADSHAAY,

   AFKA WIXII AY GELISIYO,UURKEEDUUN U NOOLEEY,

   ARROORTAAS LIQ MOOYEE,BERITOBA MA EEGAAY,

   NIMCADA EEBBE SIIYIYO,KA INDHOLA BARWAAQOY.

 

3-ISLA WEYN ISMA OGGEEY,ARLIGEED XARAASHAAY,

    UGUBKEEDA QALATOOY,UBADKEEDNA DAAYACA,

    ARRINIYO AQOON LAAY,ADUUNYADI KU BARATO,

    AFARTEEDI GEESOOD,ALBAABADOODI SOO XIDHE.

 

4-AXDI LAYSLA GELAYIYO,ADUUNYO LAYSA SIIYIYO,

   WAX DANBO LA URURSADO,AMINAADI DHIMATO,

    IRMAANTIYO SHAXDIIBA,DHAXANTI LA URURSHE,

    AWRKAAS CIRKEE SARE,URURKIYO LAXAHA QABO.

               ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...