Bilowgii Dhammaadka Dugsiga Sucuudiga. Qore: Sh. Cabdirisaaq
Dawladda Sucuudigu waxa ay xoogga saartaa faafinta aragtida Salafiga ah. Ereyga ‘Salaf’ waa erey carabi ah oo tilmaamaya wax tagay. Ujeedkiisa diiniguna yahay; ka dabataggidda dadkii noolaa saddexdii qarni ee ugu horreeyey tirsiga Hijriga fahankoodii diineed. Waa fahanka ay wada haysteen afartii mad’hab, lixdii muxaddisiintu iyo mufarasiriin badan. Waxa aynu ka hadlaynaa waa hab-adeegsigiisa kooxaysiga ah ee u janjeedha mad’habta Xanaabilada.
Axmed
Ibnu Xambal waa aasaasaha mad’habta fiqiga ah ee Xanaabilada, sida oo kale waa
mid ka mid ah culimada xadiiska. Ismaandhaafkii ku saabsanaa Quraanku ma
makhluuq baa ayuu ka qayb qaatay, isaga oo hormood u ahaa culimadii diiddanaa
in Quraanka lagu sheego makhluuq. Imaam Axmed waxa uu adeegsan jiray ereyga
‘salaf’ waa sababta loogu aaneeyo in uu ahaa bud-dhigaha dugsiga salafiyada oo
isaga mad’hab ahaan iyo fikir ahaan taabacsan.
Qarnigii
siddeedaad ayuu mar kale magaca ‘Salafi’ noqday mid soo laba kacleeya. Ibnu
Taymiya oo dagaal kula jiray; Shiicada, Muctasilada, Jahmiyada, Suufiyada iyo
Ashaacirada ayaa dhufays ka dhigtay magacan si aan loo la wadaagin
sheegashadiisa.
Adeegsiga
ereyga salaf, wuxu ahaanjiray mid xujada loo adeegsado oo la yidhaa; fahankaygu
waa kii saddexda qarni. Waxa se la xigtaystay kolkii uu u shaqayn waayey
magacii Sunnigu. Sunni-waa cidda raacda Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo
habdhaqankii Rasuulka. Dalladda Sunniga waxa laga saari kari waayey Ashaaciro
iyo Maaturidiya, sidaa ajligeed ayaa magacan ay ka dhigteen dhufays aan cid la
lahayn.
Qarnigii
laba iyo tobnaad wuxu ahaa barwaaqa-sooranka dugsigan. Waa markii uu helay
dawlad aragtida salafiyada suuqgaysa. Maxamed Cabdiwahaab wuxu heshiis la galay
oday Sucuud oo ah aasaasaha dawladda Sucuudiga. Heshiiskaasi wuxu ahaa dalka
aan kula qabsado, adigu xukunka dawladeed qaado, dhashaadana dhaxalsiiso,
anigana fikirkayga diineed faafintiisa ila garabgal.
Maxamed Cabdiwahaab wuxu dib u soo nooleeyey habraacii Axmed Ibnu Xambal iyo aragtiyihii Ibnu Taymiya. Salafiyadiina wuxu ka dhigay dugsi u cufan dhan walba; mad’hab ahaan Xanbali ah, fahan ahaanna Ibnu Taymiya waafaqsan, fahankiisii aaminaadeed ‘Caqiido’ waxa uu ku daray naaxnaaxinta qaybtinta Tawxiidka.
Sucuudigu
kolkii ay shiidaalka heleen waxa ay dejiyeen qorshe isfidin aragtiyeed ah.
Jaamacadda Maddiina waxa ay noqotay shabaqa u weyn ee dad lagu soo xerageliyo.
Dunida Islaamka waxa ay u soo bandhigeen in qofkii doonaya in uu shareecada
barto lacag la’aan ay ku barayaan, inta uu joogana masruufkiisa ay iyagu
dammaanad qaadayaan. Waxa lagu soo wada hirtay aqoontaa bilaashka ah, iyada oo
aan ujeeddadeeda runta ah la ogayn.
Ardaygii
waxbarashada bilaashkaa soo doontay ee mad’hab aan ahayn Xanbalina haystay,
caqiidadana laga yaabay in uu Ashcari ama Maaturidiya ahaa wuxu dalkiisa ku
noqonayey isaga oo haysta mad’hab la yidhaa Salafinnimo iyo caqiido la yidhaa
Salafinnimo.
Soomaalida
waxa ka mid ahaa dad fursaddaa helay. Soo noqodkoodii waxa ay la yimaaddeen
aasaasidda ururkii Jamaaca Islaamiya oo markii dambe noqday Itaxaad. Shaqadii
ugu horreysay ee ay qabtaanna waxa ay ahayd in ay dagaal xeeladaysan ku qaadeen
mad’habtii Shaaficiyada, dagaal badheedh ahna la galeen wadaaddadii Suufiyada
iyo caqiidadoodii Ashcariyada.
Masalooyinka
fiqiga ah ee Shaaficiyadu qabto si dadka looga weeciyo oo mad’habta Xanaabilada
aragtideeda loo qaato waxa dadka hoosaasin looga dhigayey adeegsiga magaca
salaf, si qofka looga leexiyo mad’habtiisa waxa lagu sheegayey in salafku sidan
aanay qabin ee sida kale ay qabaan, dhammaanna waxa qaba mad’habta Xanaabilada
aragtida la isku salafiyeeynayo.
Tusaale ahaan; bisinka in hoos loo akhriyo waa la isku salafiyeeyey, qunuudka salaadda subax joojintiisa waa la isku salafiyeeyey, ka waysaysiga hilibgeela waa la isku salafiyeeyey, haweenaydu xajka in aanay kaligeed tegi karin waa la isku salafiyeeyey iyo masaa’il badan. Kolkaa qofka waxa la raacinayey mad’hab la yidhaa Salafi, asal ahaanna ah mad’habtii Axmed Ibnu Xambal.
Dugsiga
salafiga oo mararka qaarna loo garan ogyahay Wahaabigu afartankii sannadood ee
ay Soomaalida dhexjoogeen waxtar badan oo xagga wanaagga ah waa ay sameeyeen.
Tusaale ahaan; in ay wakhti badan galiyeen hubinta axaadiista sugan, axaadiis
badan oo daciif iyo been abuur isugu jirana soo saareen, waa doorkooda
shariifka ah ee taariikhdu ilaabi doonin. Waxa ay bidhaamiyeen khuraafad aan
diinta sal ku lahayn oo diinta lagu lammanaynayey.
Fikirka Salafigu wuxu ku guulaystay riixidda xarakooyinkii saaxadda kula jiray, wuxu jaanis u helay in uu noqdo ilaha fataawaha Soomaalida. Wuxu isu dhigay in ay iyagu ummadda u noqdaan culimo. Dhulalka Soomaalidu degto intooda u badan magaalo kasta mufti ka noqdaan. Waxa aan la dafiri karin in ay noqdeen xarakada ugu weyn ee mujtamaca Soomaaligaa ka dhex wadda faafinta diinta Islaamka.
Dugsiga Salafiga oo muddo dheer saaxadda ku jiray waxa bilaabantay bilowgii dhammaadkiisa, waxana muujinaya arrimahan:
· Isbeddelka aragtiyeed ee Sucuudigu qaatay waxa ay dhabarjab ku tahay aragtida Salafiga oo Sucuudigu saldhig u ahaa.
·
Khilaafka weyn ee u dhexeeya salafiyada dhexdeeda ee ku salaysan manhajku isna waxa uu qayb ka yahay soo degdegga burburkooda.
·
Qaabka ay u barbaariyaan ardaydooda ee keli-saxnimadu waa midda ugu weyn ee ummadda ka dhexsaartay.
·
In uu ku yaryahay wacdiga qalbiga dhisaa, kuna badan yahay muranka aan joogsiga lahayn iyo fataawaha qalalan.
·
Soo laba-kaclaynta Suufiyada nidaamsan ee si caalami ah u dhisani yadna waa mid jiritaankooda liddi ku ah.
Taariikhda waxa aynu ka baranay in aanu waarin fikir kasta oo lacag iyo awood lagu riixo. Waxa kale oo ay taariikhdu inoo sheegtay in aanay jiriddiisu raagin fikir kasta oo ummaddu liqi kari waydo.
Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!