Madaxweyne Biixi Isku Shaandheyntiisii U Dambaysay Wuxu Isdhaafinayay Saleebaan Cali Koore Si Ina Muuse Diiriye Ugu Qabto Mashaariicda Biyaha
.
Waxeynu Wada ognahey in Qaranku Maanta Ka Musuqmaasuq Badan Yahey
Xukuumad kasta oo Soo Martey Talada Somaliland, Afartii Madaxweyne ee ka
horeeyay Waxaan maanta Cidi isweydiinayn Saameynta ay Wasaarad kasta
ilaa Bilawgii Xukuumada ku lahaayeen, (Inamada uu Abtiga) u yahey iyo
Sida Mashruuc kastaba loogu Garba-duubey Caruurtiisa uu Ganacsatada ku
Sheegay.
Hadeynu Dib u Raacno Hadalkii uu Ku Furey Doodii loo Qabtey Sadexda
Murashax Doorashadii ka hor Waxa uu Yidhi "Madaxweynimada Nina Waxa uu
usoo Doontay in uu Aduun iyo Lacag ka Fara-qabsado Nina Waxa uu doonayaa
innuu Dalka Wax u qabto" Marka Xaqiiqda laga Guuro islamarkaana, laga
Tusaale Qaato sida hada xaalku yahey iyo Sida Miisaanayadii Wasaaradaha
iyo Mashaariicdii ay Gacanta ugula jiraan Qoyskiisu, Waxaan Markhaati
loo Doonayn in uu Isagu isa Sheegayay Maalintii uu Hadalkaas lahaa
qormooyinkii hore ee aan kaga hadlayay Madaxweyne Biixi iyo Inamada uu
abtiga u yahey, Waxaan Tusaale ugu Soo qaatey 100.000$ oo Wasaarada
Hawlaha Guud Town Balaankii Gabiley sida uu Jeebka ugu shubtey inan uu
abti u yahey.
Marka aynu usoo Noqono Nuxurka Qoraalkan Isku Shaandhayntii u
Dambeysay, ee uu Dhawaan ku Sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumadiisa,
Waxaa Shacbiga Somaliland inta ugu badan iyo Dadka Xogogaalka ah ee Wali
la fajacsan Sidan ay Wax u Socdaan isku Waafaqsan Yihiin in Isku
Shaandheyntaasi u Dhacdey Labada Wasiir oo kaliya Kuwaas oo kala ah
(Wasiirkii Wasaarada Biyaha), Saleebaan Cali Koore iyo (Wasiirkii
Warfaafinta), Maxamed Muuse Diiriye oo isagu Beesha Madaxweynaha kasoo
jeeda Waxaanu uga Gonlahaa in Saleebaan Cali Koore, ay Sakati ka Qabaan
inamada Lacagta u Qaabilsan ee Qoyskiisu sidaa Daraadeedna uu geystay
Wasaaradii Biyaha Maxamed Muuse Diiriye oo ay Hoos isku ogyihiin
Khadadka Musuqmaasuqa Madaxweynahana la haysta, Waxaana Maalin dhaw
Qarqarxi doona Musuqmaasuqa Dhacey Mudada labada Sano ahi Waxey ka Badan
Tahey musuqii dhacey 20.sano ee Somaliland soo Jirtey.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...