Muxuu Sicid Sulub Askriga U qaban Karaa? ( Abdi-Shotaly).

0
Friday December 06, 2019 - 10:14:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Sicid Sulub Askriga U qaban Karaa? ( Abdi-Shotaly).

    Aan idiin horey-siiyo'e, waxan waydiinayaa kuwa Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan idiin horey-siiyo'e, waxan waydiinayaa kuwa Burco
Xafladda Dabaal-dega ah u qabtay maantaw,  Muxuu Siciid Sulub Garxajis u qaban karaa?  Ama u qabtay Maamuladii hore ee uu ku jirey? Soo koob oo waxba uma qaban umana tarin wax-yeelo mooyee, ee isaga uun baa ku xoogsa-naayey magaca reerka, waxa loogu yeedhay-na halkan hoose kala soco.



Naf la caarid ahi kama soo reeyso, ee mar-ba marka ka sii dambaysa, tallo xumaan awgeed, buu jar ka sii duulaa, oo laanta uu qabsa-daaba la go'daa sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaximan" oo iska dacal-basar ah iyo biyo-batalaq aan garanayn meel ay marayaan, oo xaal-koodu yahay " shimbir garb li'i wax ma garatee, bal xagan u gudub" iyo bal in aad maalmo si noolaato, sidan ku day aad ku ceeshtid ayaamo'e. waxan uga socdaa oo taagan xikmddi ahayd " Habar dhali wayday Aleello ku waalatay", waa iska sidaas iyo ka dara oo dibi dhale, Muxuu soo kordhinayaa "Siciid Sulub?" Muxuuse ku samayn karaa Garxajis? ee ay askartu ugu yeedhatay in uu u qabto? waa jawaabo aad u fudud haddii aan la is yeel-yeelayn. Aan ku soo dhawaadee iga hoo:-

 

(1) Aan idiin hor mariyee wuxu ku shaqaystaa magaca reerka uu ka soo jeedo oo saldada leh ee "Sugule Caynaashe", laakiin waxa nasiib wanaag ah iyo Illaahay mahaddii in aanu reerku ka weyn yahay mid daba-dhilif u noqda askarigan dhegaha go'an, siddii waxarihii dheg-jeexaha lahaa. reer uu keeni karo oo uu ku xidhi karo " Raggii ma adiga aka hadhay" maaha ee wax kale ma hayaa? Halkaas hoos buu ugu dhacaye.


(2) Garxajis wax uu ku samayn karo ama u dhimi karo baaba iska yar Saciid Sulub, oo awel-ba daba-dhilif buu u ahaa Askarta fadhidda "Xaafad-Tooyadda" ilaa iyo shirkii Buurta gacan libaax, waad ogaydeen wixii ay ka samayna-yeen Kooxddii ay hor kacayeen Saciid Sulub, Duur iyo Ina Xirsi qani, kuwaas oo loo egmaday in ay kala daadi-yaan shirka beesha Garxajis, si aanu u qabsoomin, laakiin waa kuwii ku saaqiday, kuna guul daraystay iyaka iyo kuwii soo dirtay-ba.


(3) Waa la yaqaan Saciid Sulub, oo kolba halka ay ka qoyan tahay buu u daba rooraa, bal idinku ila arka, Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal Burcuu uga wakiil ahaa, Daahir Riyaale wuxu u ahaa Wasiirka " Hawlaah guud, Guriyeynta, iyo gaadhiidka dhulka, waana halkuu hantidda ummadda kaga fara-qabsaday, ee fooqaqa-waaweyn ka dhistay, kana noqday Milyan-neerka.


(4) Colaadda reerka Garxajis loo qabo, kuwii abuurey buu ka kaw ahaa isaga, Cawil iyo ina Waran-cade, maamulkii Riyaale, ee ku andacoon jirey Dhab Libaax buu ku fadhiyaa, laakiin lagala hoos baxay, miyaanu kii uun ahayn ma dibaa loo soo abuurey mar kale?


(5) Akhristaw, ilaa iyo intii uu kulmiye qabsady-na, kama uu dhamana jirin Kolba ka jooga Guriggii Moorgan ilaa iyo hadana oo cad-qudhmay la liqsiiyey, kaas oo ah " Wasiirka Xanaanadda Xoolaha" oo lagala xidhooday " Mr Gafane" waxad ugu yeedhaan " Gaafaadhiye".


(6) Intaas oo dhan waxa dheer, laba sababood oo kale taas oo ay askartu ka rabto in uu ugu adeego, kuwaas oo kale ah;-


(a) In loo adeegsado beesha Garxajis, oo marka ay hadlaan uu u jawaabo, taas oo ah wixii uu diiday Dr Shibiin, ee shaqada-ba lagaga qaaday " Qorshaynta", In uu Saciid Sulub u fuliyo, oo sidda Boos Mire lagu shaqaalay-siiyo reerka juuq dhawr, oo wax-walba ka jawaab, ilayn waa inta lagu siiyo musharka'e.


(b) In uu soo xero geliyo Jifadda uu ka soo jeedo ( Reer Sugule), Waxan-se idiin sheegayaa, Qodobka sare ee aan ku calaamadiyey (a) wuu samayn karaa, oo meela-haas wuu ka dhurmi karaa, in siddii awrka lagu soo diro hebel u jawaab, ilayn haddii kale waxa ka go'aaya gunadda la siiyo'e. Waxase nasiib darro ah in aanu soo xero gelin karin reerka loo direy ( oo ah Sugule). Wuuu heli karaa dhawr dhuuni raac, oo cad quudheedka loo tuuro, uu uga sii garaaco wax la yidhaaho bakhti-afuuf, laakiin waa habeenkii xalay oo tegay, in uu beeshaas sare ku taal u gacan geliyo " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaxiaman" Mudo-se way ku shaqaysan karaan, in uu meela-haas kolba makara-foon isla taago, reer hebel ku cambaareeya. wax kale oo haba-yaraatee uu soo kordhin karaa iska-ba yar.


*  Ina Sulub waa la yaqaan aqoon-tiisa wax barasho, oo waxay isku kalaas ahaayeen Oodweyne Cabdi Aw Daahir (Ihun), iyo Dr Shibiin oo imika laga qaaday " qorshaynta", laakiin markuu ka baxady dugsiga dhexe ee oodweyne ( aniga laba sano buu iga sareeyey), dabeed wuxu u dhoofay Sucuudiga oo adhila-yaal buu dhex galay, xataa dugsi sare ma uu gelin. Markii aabihii dhintay ( Ihun), buu ka yimi oo waxa la siiyey derejaddii aabihii oo ahaa 3-alifle CID ah, isaga oo sidaas ah buu tegay af-weyne, waxa wax ka dhigay Madax-weyne Cigaal oo uu abti u ahaa, maamulkii ugu horeeyey ee uu Siciid dhex gallo-na ahaa. Aqoonta Siciid Sulub waa-taas ee ha iska daba xaadh-xaadho maamulka "Xaafad-Tooyadda", ilayn waa la ogaa in uu maalin-tiiba ilaa saddex jeer tegi jirey Gurigaas askartu ka shimbiro waaqlayso'e " Waa Guriga Moorgan". 

 

Akhristaw waxa hor loo yidhi " Isma dhaanto iyo dhasheed dhicis bay iska dhalaane"Waxan ku soo qoofalay qoraalkan " Saciid sulub" isaga waa la yaqaan oo wuxu u dhintay " Xil doonimo", xil-doona waa xoola doon oo dhab ah, mid xaaraan ka siq-siqaaya maaha, ee waa xaaraan nijaas lagu dalacay, saw ku durug maaha. Xaalka Siciid Sulub iyo maamulka lagu walaaqdo Guriggii Moorgan waxa uu yahay " Qoraneey Neefka qal oo inoo qaybi, misna qiiqu yuu bixin". Ugu dambayn iyo geba-gebaddii, kani sidiisii jeebka wuu iska buuxsan, wax kale-se in uu u soo kordhiyaa kan dirtay, waxay u jirtaa inta cirku inoo jiro laban-laabkeed,, ee ha ka qayb gallo boobka hantididda ummadda lagu bereta-maayo,farsamo kale ma uu hayo, loogumana yeedhin wa hagaaji iyo beesha wax ha taro, ee waxa weeye tuug-tuug buu ku xil qarsadaaye, adna xeedhadda faraha nala soo geli, oo nala murdi.

* N.B Isma dhaanto Iyo dhasheed dhicis bay iska dhalaan"!

QorE:-  Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...