Soomaalida Iyo Hees Hawleedka Geella :

0
Friday December 06, 2019 - 10:06:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 11674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Iyo Hees Hawleedka Geella :

    Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo
ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen.

Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo.



Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karraa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: ‘dameertaydii baa nin geel leh ii gashay’.


Soomaalidii hore waxay maanka iyo maskaxda ku hayn jireen yeelashada kadimo ama reysimo geel ah kuwaas oo ay u mari jireen meelkasta oo cidhiidhyoon aadna u dhib badan, halkaas waxaynu ka garanaynaa meerisyadii gabayga ahaa Asban xasan derri uu ku lahaa bad iyo berri walee waan u mari helida geel curad iyo qaanba leh oo xataa naftayda waan u halaagi waa tuu lahaa:


·       Bada jiidhayaa iyo biriga jaanta mariyaaba

·       Walee jacaylkaan geel u qabo waw jirabi ruuxa.

Hadaba jacaylka soomalidii hore u qabeen wuxu keenay inay geela kool-kooliyaan oo hadaba surinka ay joogaan ay gabay, geeraar iyo heesba u mariyaan amaantiisana ku dheeraystaan, waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qaar kamid ah heesaha geela loo tiriyo xiliyada shubaasha.

 

Marka uu ku daalo dawliska xadhiga iyo u shubida geella tuban ayuu ka cawdaa biyaha badan ee boqolaalka foosto ah ee geela u shubayo isagoo waxaanu yidhaahdaa:

·       Feedha dhiman bay

·       Dhaami leedahay

·       Anna dhabarkiyo

·       Meel dhexdaasoon

·       Jeer u dhacay baan

·       Dhawr is leeyahay.

 

 

Markale ayey ugu heesaan ilaa aan kuu dhidido walee kuumaan hagar bixin

·       Jeer oon laba dhidid

·       Oo dhafoorka ah

·       Midba dhan u tiro

·       Kuuma dhaartoo

·       Kuuma dhiidhiyin

 

Markale ayey ugu heesaan wiil habeen kaa ciyaar guday isna ceebow oo caydh halis u noqay waxaanay yidhaahdaan:

 

·       Wiil cawayskii

·       Kaa ciyaar guday

·       Adna ciil iyo

·       Cadhuu kugu dilay

·       Isna ceeb iyo

·       Caydh u halis noqoy

 

Masaafada geela loo daaq geeyo oo aad u durugsan ayaa keentay in wixii fog looga qiyaasqaato oo la yidhaahdo, ‘waxaasi wuxuu jiraa daaqsin geel’, sidaa awgeed in geela lagu celceliyo adhi foofkii meel jirta iyo agagaarka awrta rarayda ahi daaqaan waxay la ahayd hungeyn iyo hagrasho weyn sida heesta hoos ku qorani tilmaamayso:

·       Meesha adhigiyo

·       Awrtu daaqaan

·       Anaa ku ogoo

·       Ayro kuma samid.

Intaas oo keli ah kuma koobna e, markii naqu gabaabsiyo ee maalinfoof waxba lagu soo waayo, ninkii rag ahi geeliisa waa u dedaalaa oo meeshii wax uun madow ahi ku dambeeyay ayuu uga xero-dhigaa oo u xergeeyaa. Markay hawshaas u xidhxidhanayaan ayay ku heesi jireen:

·       Xas jadeerliyo

·       Haddaan xagar jiq ah

·       Looga xero dhigin

·       Cuudku ma xasilo

 

Marka ay geela caanihiisa tilmaamayaan ayaa ay yidhaahdaan

·       Geesi gacantiyo

·       Garbahaa weyn

·       Gaari guudkiyo

·       Gambadaa weyn

·       Gorey gudihiyo

·       Gumbadaa weyn

Markale ayaa geela loogu heesaa xiliyada shubaasha waxtarka caanahiisu leeyahay waxaanay yidhaahdaan:

·       Caano saxar lahayn

·       Oo si san loo dhamo

·       Waa na siin jiray.

Markale caanaha geelu waxa lagu koriyaa dhalaanka xiliyada abaaraha iyo diraacaha kulkul marka ay hooyooyinkii dhalay ay ka gudhaan waqtigaa daran, caano dhalaanku ku noolaado waxa keliya oo laga heli karaa waa geel iyagoo arintaas geel jiruhu geela ugu heesaya waxay yidhaahdaan

·       Afar foolaha

·       Aabo mooyiye

·       Aan afkale baran

·       Abaydi miyaay.

Markale xiliyada kaliishii ee kulul meeshaan geel joogin kulayl iyo wax la kariyo loogu dhimay arintaas iyagoo tilmaamaya waa kuwii ku heesay:

·       Kelyo weyneey

·       Kaliil aanad dhalin

·       Wax la kariyiyo

·       Kuleyl loo dhimay.

Markale iyagoo tilmaamaya in qofkii aan cabin caanaha geela uu Tamar yaraado oo uu noqdo qof jilicsan waxay yidhaahdaan

·       Caanahaagoonoo

·       Calooshay tegin

·       Yaa codwaagiyo

·       Ciidan xumaa leh.

Markale iyagoo tilmaamaya in caanaha geelu yahay wax la xasuusto oo marwalba maanka lagu hayo ayaa ay ugu heesaan:

·       Xoorkii laga dhamay

·       Xagaagii hore iyo

·       Xasuus baa geel

·       Lagu xer geeyaa.

Caanaha geelu waxay tamar u yeelaan qofka dhama sidoo kale waxay adadayg ugu deeqaan qofka caba arintaas ayaa heestani tilmaamaysaa

·       Caanahaagoon

·       Calooshay tegin

·       Yaa cadwaagiyo

·       Ciidan xumadaa leh.

Heestani waxay tilmaamaysa in marka geelu reerka ka guuro ay soo wajahdo caano la’aan waxaanay ugu heesaan:

·       Aan danbaabee

·       Danqad dabadaa

·       Doobi xoorliyo

·       Danbar lama dhamin

Markale ayey is weydiiyaan suaal ah sidee qofka aan geel lahayn u noolaan karaa oo sidee kuwa adhiga leh iyo kuwa sakaarada dabtaa u noolaan karaan xiliyada ad-adag ee kulul ee abaaruhu dhacaan waa yaabe kuwii geela lahaa ayaaba seexan  waayee

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...