Somaliland Wixii La Isku Raacsanaa Oo Dhami Wey Dhammaadeen , Xisbiyadaa U Dambeeyey Iyana Waa Uu Laabay

0
Friday December 06, 2019 - 10:01:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Wixii La Isku Raacsanaa Oo Dhami Wey Dhammaadeen , Xisbiyadaa U Dambeeyey Iyana Waa Uu Laabay

    Ka dib markii Madaxweyne Muse yimi waxaa Madaxtooyadiisa ka go BAA dhawr arimood:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii Madaxweyne Muse yimi waxaa Madaxtooyadiisa ka go BAA dhawr arimood:
1- in la handraabo khasnadii Xukuumadda ee Xukuumaddii Siilaanyo  ku fasaxday In Wasiiradu si xisaab la'aan u gurtaan oo uu lacagta Muse Biixi geliyo Ciidamada iyo cududda Xukuumaddiisa.

2- Waa in arimaha khaarajiga aan la danayn oo shalayba Safiirkii ugu firfircoonaa Ee Marwo Saamiya Omer H. MUSE AY IS CASHISAY. laakiin xoogga  la saaro arimaha gudaha oo gobolada la jiho wareeriyo labada sanee hore waana ta keentay dagaalkii Tuka raq iyo jabhadaha iyo Sannaag Bari in dibadda loo saaro iyo in Galbeedka Awdal reeraha dhib la dhex dhigo si loo jeediyo shacabka oo la isagu mashquuliyo. 


3- in Xisbiyada Xasaanadda laga qaado oo meesha laga saaro loona tusa shacabka inaan doorashooyinku muhiim ahaynba.

4- in saxaafadda xagga  Madaxtooyada la goaansaday la xidhxidho dad iyo xafiisyaba, Dhaartii wasiirkii Warfaafintu waxay ahayd  dhaar Madaxtooyadu la lahayd  oo Hadhwanaagnews iyo kuwa kaleba ku socotay  Maqaalkii Shootali ee Cali Baqdaadi rinjiyeynay waxuunu ahaa (trigger) waa halkii  keebka  laga qabtay lagu soo toogtay  oo ewelba loo dhaarsanaa Hadhwanaagnews.

5- waa in dhulballaadhsi la sameeyo waa  reeraha qaarbaa xiniinyo-dabadood deggan qaarna dhulka iyo xoolaha nool bay ku wadhwadheen; waxaabaad mooddaa markii dhulka Allah  dejinayey reer SOMALILAND inuu qaar cirka ku hakiyey qaarna  dhulka dejiyey ka dib meelihii yar yaraa ee hadhay uu dejiyey intii hadhay, markaa taasi waxay ku tusaysaa (military) ahaan in reeraha qaar si (strategy) ah Allah  u dejiyey oon weligood dagaal lagaa guulasysan karin qaarna sidii in Shaah ah koob  ku jiraan.

Xukuumadaha Kulmiye iyo Muse Biixi iyo  Xukuumaddii uu Siilaanyo ka Xanuunsaday rabitaanka shacabka SOMALILAND kama turjumayaan ee wey isku dirayaan SOMALILAND nimo imika wey galbatay iyadoo la wada gurguuranayo sidaa Cali Khaliiba ayaa Mogadisho la isugu tegayaa laakiin waxbaa ka soo  horeeya sida  muuqata oo shiigiiyoo kale  ah cid waliba  ha diyaar garawdo waayo dadka reer SOMALILAND  waa hilbo is wada  dhalay  laakiin aqoonta Dawladnimo way ka qaadan yihiin waana habardugaag raq isugu yimi oo kale oo midna si u ciyayo. 

M Bashe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...