Dawladda Djibouti Oo Beenisay Inay Saldhig Ciiddamadda Badda Ah Siisay Ethiopia

0
Thursday December 05, 2019 - 19:31:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Djibouti Oo Beenisay Inay Saldhig Ciiddamadda Badda Ah Siisay Ethiopia

    Dawladda Djibouti Oo Beenisay Inay Saldhig Ciiddamadda Badda Ah Siisay Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Djibouti Oo Beenisay Inay Saldhig Ciiddamadda Badda Ah Siisay Ethiopia
Hargaysa(HWN):-Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti.

Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay.


Hase-yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya.

"Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma aha war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaadheen ” ayuu yidhi Maxamed Idiris

Si katsaba Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo ka soo cusboonaaday arrintaa iyo heshiis rasmi ah oo la gaadhay.

"Waxay ahayd dalab ka yimi ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”

Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaadho uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. "Haddii ay noqota in heshiis la gaadho wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yidhi.

France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya.

Sidoo kale, Faransiiska oo horey u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, waxaana in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalineyso, si aysan dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan.

Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas.  Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa, Somaliland

Loading...
Loading...