"Baashe Waxa Uu Doonayaa In Khilaafku Bato Oo Soomaliland Dunto"Gudoomiye Faysal

0
Thursday December 05, 2019 - 13:03:47 in News by
  • Visits: 3154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Baashe Waxa Uu Doonayaa In Khilaafku Bato Oo Soomaliland Dunto"Gudoomiye Faysal

    "Baashe Waxa Uu Doonayaa In Khilaafku Bato Oo Soomaliland Dunto"Gudoomiye Faysal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Baashe Waxa Uu Doonayaa In Khilaafku Bato Oo Soomaliland Dunto"Gudoomiye Faysal

Hargaysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaradka ee Ucid eng Faysal Cali Waraabe oo idacada Voa u waramayay isaga oo ku sugan magalada Boorama ayaa ka hadlay khilaadka dorashooyinka,mudo kordhinta golaha wakiila iyo lacago laga jaray asxaabta mucaradka.


Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedo u jeediyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye barlamaanka Soomaliland Mudane Baashe oo uu ku tilmamay inuu rabo in dalku dumo waa sida uu eng faysal cali waraabe hadalka u dhigee,



Gudoomiyaha oo ka hadlayaa muddo kordhinta wakiilada,lacagta la jaray xisbiyadda iyo khilaafka komishanka ayaa yidhi"Soomaliland dhibatada haysata Soomaliland waa sharciga ma taqano,waxa ka mida Wadani oo aan barlamaan soo galin,ayaa leh waxaan leenahay barlamaan waa sharci darro,barlamaankeena ayaa iska fadhiyaa 15 sanno,shan sanno ayaana la qaatay waa bila sharci,maanta sharcigii wuu horyaal dadkeenuna eegi mayaan,Madaxwaynuhu waa inuu sharciga ilaliyaa isagiibaanu sharciga ku haysanaa". ayuu yidhi Gudomiye Faysal

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay su,aal nuxurkedu ahaa hadii uu barlamaan lasoo doortaa aanu jirin saw mahaa in ay iyagu fadhiyaan ayaa waxa uu gudoomiyaha kaga jawaabays idan,
"Shircigu waxa uu odhanayaa cida badalaysa yaanay noqon cid lasoo dortee,barlamaan food ku yimi,sharcigu ma odhanayo hasoo fadhiyo,hadii shan sanno ka dhamaatay inay haka baxaan ayay hayd,Silaanyo ayaa sannad iyo sideed bilaad kordhiyay,markaa waa sharci darro,sharci odhanayaa guurti ha is doorato odhanayaa ma jrito,barlamaan hasii jooga odhanayaana ma jirto,hadii markii hore aan sulux aan moodnay hada yeeli maynom"Ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.



Mar Gudoomiye Faysal Cali Waraabe la waydiiyay su,aal ku wajahan lacagta la sheegay in laga jaray asxaabta dalka ayaa yidhi

"Waa jaahilnimo jahliga ina hayaa waxa weeyi inagu bahashii waxaanu galinaynaa,Xisbigii soo doortay oo siyaasadiisa uu ku socdo siyaasadiisa uu ku socdo,lama arag Nb wakiil ahoo xisbigii uu ka yimid u talinaya,xisbigu waa inuu isagu u taliyaa,oo xisbiga siyaasadiisa uu ku shaqeeya taasi waa jaahilnimada ay ka mid tahay,kabasatii uu wax ku wado aanu lahayn,arintan ninkan iyo ninkale aya keenayo wax loo footeeyo halaga jaro ma jiro,waad arkaysa kiliib la sameeyay,si duuduub ah ayaa lagu sameeyay,nitaaqo kuma jirin lakiin waxa ka daba keenay,Baashe waxa uu donayaa,inuu khilaafku bato oo Soomaliland uu dunto,lakiin Soomalilan dumimayso Baashaw Soomaliland waa la yaqaan,waanu iska heshinaynaa"Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.  


HadhwanaagNews.com 
Hargaysa/Office

Loading...
Loading...