Maamulka Wakalada Biyaha Burco Oo Qiimihii Biyaha Ku Kordhiyay Bulshada Burco

0
Thursday December 05, 2019 - 12:19:18 in News by
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Wakalada Biyaha Burco Oo Qiimihii Biyaha Ku Kordhiyay Bulshada Burco

    Maamulka Wakalada Biyaha Burco Oo Qiimihii Biyaha Ku Kordhiyay Bulshada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Wakalada Biyaha Burco Oo Qiimihii Biyaha Ku Kordhiyay Bulshada Burco


Burco(HWN):- Magalada Burco ayaa hodan ku ah biyaha,taasi oo ay faloodka dhanka biyaha ay kaga jirto gobolladda dalka ayaa waxa mudooyinkii udanbeeyay isasoo tarayay cabashada ka soo baxayaa hanaanka loo maamulayo hanaanka biyaha Burco,waxana soo ifbaxay in lacag lagu kordhiyay qiimihii hore ee biyaha la qaadi jiray.



Mareeyaha Wakalada Biyaha Burco waa Cabdixakiim Maxamed,waxana warbaahinta soo gaadhayay cabashooyin badan oo ay ka mid yihiin bulshada iyo shaqalaha wakaladaba taaso ku salaysan,in shaqalaha uu mareeyuhu soo kale dhawaysto kuna kale qaybiiyo hanaan qabiil.


Hore waxay wakaladu u qaadi jirtay halkii meter cup 8000 oo Somaliland shilin ah halka iminkana uu yahay 11000 slnd shilling .

 

Wakalada biyaha burco ayaa iyadu mamusha lacagta ama dakhliga soo gala wakaladaasi waxana sexeexa leh hadba mareyaha jooga iyo waliba kuxigeenkiisa .

 

Bishiiba waxa soo gala lacag ku dhaw 2 bilion ilaa 3 bilion oo slnd shiilig ah oo ay mamusho wakaladu oo aan wali lays waydiin halka ay marto iyo waliba sida ay ku baxdo .

Sidoo kale shaqalaha ka shaqeeya ayaa gaadhaya 230 qof .

Marka aad eegto shaqalaha ka shaqeeya iyo waliba dakhliga soo gala iyo waliba dakhliga ku bixi karaya ayaa ah kaaf iyo kala dheeri .

 

Waxa kale oo jira $ 250 000 kun oo dolller oo ay ka qaateen dawlada dhexe baankuna u fududeeyey intii uu haystay mamulkan cusub .

Hadaba bulshada burco ayaa sanadkan lagu kordhiyey lacag gaadhaysa 5 milion oo slnd shilig ah walina aan la cadayn sida loo mamulayo iyo waliba halka ay ku baxayso .


Sikastaba ha ahatee bulshada burco ayaa ka war sugaysa wasiirka cusub ee dhawaaan madaxwaynaha Somaliland uu u magacaabay wasarada biyaha Somaliland maxamed muuse diiriye  




 HadhwanaagNews.com

 Burco/Office


Loading...
Loading...