Ku Soo Dhawoow Somaliland, Hadaad Doonto.
Garoonka diyaaradaha Cigaal: Qofka Baasboor Somaliland
ku soo gala,
bilaash buu ku gudbayaa, kii mid shiheeye sitana waxaa laga qaadaa
$60, waa hadii Aadan sidan kan Soomaaliya. Inta aad
gudaha ku jirto waxaad dareemaysaa nabad iyo shaqo wanaagsan. Marka aad
Soo gaadho Shandadahaaga, haddaad laba shandadood sidato, waxaa dhacda
in Afar shaqaale ihi ay wada jiidaan, markaad gaadho tagsi khasaba ah
oo
$20 lagaa doonayo ee ay shandadaha kuu saaraan, waxay taabtaan jeebka bidix ee shaadhkooda,
$5 qofkiiba soo sii bay ku odhanayaan,waa
$20 kale, hadaad tidhaahdo waayo, waxay kuugu
jawaabayaan ' dhididkayaga xalaasha ah nagu sii " hadda 10 talaabo ka
yar inta ay tagsiga usoo socdeen.
Dalxiiska:Waxaad Magaalooyinka waaweyn ku arkaysaa dhismayaal aad u
qurux badan, hoteeladii oo si ka wacan sidii hore kuu soo dhawaynaya,
gaadiidka dadweynaha ee gobolada u kala goosha oo wakhti kasta kuu
diyaar ah, Tagsiga dhaweeye oo aad u dhego nugul, cuntooyin kala duwan
oo qaarkood laga soo amaahday dhaqamo kale, Hilibka iyo Caanaha
xoolaheena oo kala jaad ah, isla markaana ah kuwa ugu macaan uguna
badbaado badan xagga caafimaadka.
Dhinaca Diinta: waa markii iigu horaysey noloshayda ee aan arko
Masaajiddo la soo buuxinayo inta badan Shanta Salaadood ee waajibka ah,
waxaa iyaduna mucjiso ah sida aynu mar qudha isugu bedelay Kaabuul,
haweenku 90% waxaad arkaysaa iyagoo xijaaban, halka 80% ay niqaaban
yihiin, mararka qaarkood waxaad arkaysaa wax ka talaabo weyn haweenkeena
oo niqaaman iyo daaman dhaqdhaqaaq badan. Weliba waxaan joogey goob
Dahabshiil Bank ah oo aad u qurux badnayd, iyadoo haweeney niqaaman loo
adeegayey. Masaajiddadu iyagoo isku dhow ayay dhamaantood codbaahiyayaal
ku addimaan, ku aqiimaan oo weliba ay dadka ku tujiyaan, inta badan
Saacad ayay qaadataa inta codbaahiyuhu ka aamusayaan, iyaga oo kala
dambeeya awgood.
Dhinaca nolosha dad weynaha: sidaad qiyaasi kartaan, way
dacdaraysan yihiin, welwelka nolosha waxay ku qariyaan kaftan iyo qosol.
Waa bulsho u adkaatay sida Askarigu dagaalka ugu adkaado. Iimaanka
dadku qanjaha ayuu joogaa, waa muslimiin qadarka Alle aaminey, jacaylka
nabadduna uu ka dhab yahay. Wareegtadii curyaanada ee xukuumaddii hore
ee Kulmiye wax saamayn ah oo ay yeelatay ma jirto, sidii bay dabada ugu
socdaan markay makhaayadaha wax ka cunayaan ama ay adeeg uga baahdaan
hay'adaha dowladda, ku soo dhawow gobanimada reer somaaliland iyo
gunnimada Siyaasada. Hadaad doonto weeye.
Dhinaca Waddooyinka: caasimadda inta badan dadku waxay gaadhiyada
ku kaxaystaan xagaafyo dhib badan oo ay iyagu banaysteen, markaad
gobolada u kala baxaysana inta badan waa laami googo'an. Haddaad reer
bari tahay, markaad dowga Sheekh marayso waxaad ku waalanaysaa 'Alaahu
Akbar' sida ay qorayaan calaamadaha keliya ee aad halkaa ku arki karto.
Ma jirto calaamad sheegaysa meelaha aan la isku dhaafi karin, la
dhaadhacayo, xowliga badbaadada iyo dalcadaha. Sidii bay waddadu u halis
badan tahay, waxaa maraya gawaadhi 80% ah kuwa dhinaca khaladka ah laga
wado, iyadoo ay dheeryihiin kuwa kala qalooca, qaar cagaagan, kuwo
cawaran iyo qaar qiiqoodu ku indho tirayo. Darawalkaygu sodon sanadood
ayuu gaadhi wadey, haddana weligii muu maqal in laydhka ceeryaamadu
jiro, masaxayaasha muraayadda wuxuu u kaydsadaa roobka oo qudha, halkuu
kulaylisada shidan lahaa qaboojiyaha ayuu noo dalacay,si dhididka
baqdintu nooga yaraado. Waxaa shacabka lagu soo rogey inay imtixaan u
galaan kaadhka wadista, inkastoo calaamadaha badbaadada waddooyinka ee
caasimaddu ka kooban yihiin, lama geli karo iyo tan muujisa in aanay
gaadiidku iska hor iman, haddana waxaa imtixaanka lagu qaadaa
calaamadaha Caalamiga ah. Somalilaan ma waxay u baahan tahay mishiinka
ciladaha gaadiidka sheega, mise makaanigiin indhaha ku kala saari kara
gaadhiga waddada inuu u qalmo badbaado ahaan iyo kan khatari ka soo
socoto?.
Sharciga iyo u hogaansamida: Waxaad ku arkaysaa waddooyinka, Askari
jejebinaya gaadhi dadweyne, si qaadiro, kibir iyo aqoon daro ka
muuqato, haddana waxaad la kulmaysaa darawal iyadoo xaaskiisii la
socoto, hadana gacmaha u duubanaya Sarkaal ciidan, Sarkaalkaas oo
doonayey in uu waddada ka weeciyo si wadaagga waddadu u sahlanaato. Inta
og waajibaadka iyo xuquuqda muwaadinka iyo tan ciidanku ma badna. Ka
feejignow halista dhiiranaanta askari qof madax ah ilaalinaya.
Hawada: Waa xiliga ugu habboon cimilada wadankeena, Hargeysa waxaan
ku soo beegmay iyadoo dhoobada biyuhu keeneen ay qalalayso, boodhkuna
yahay sida Burco lagu jareexeeyo, markaan qiimeeyey, Mindiyaha misigta
ugu xidhan qaar ka mid ah dadka Caasimadda isugu yimi, waxaa kugu soo
dhacaya wax kale oo iyana Burco lagu xaman jirey.
La soco qaybta labaad oo aan idiinku soo gudbin doono wixii aan ka
fahmey, jaho wareerka dadweynaha, doorashooyinka dib loo dhigay iyo dib
usii riixidda qaar kale, dhako faarka gaabiska ku yimi dhaqaalaha,faham
li'ida dadweynaha halkaynu ku socono, saadaasha hogaaminta dalka, waxa
inala gudboon iyo waxa xisbiyada mucaaridka loogu bixiyey " Seenyo ".
Bashiir Tarabbi Oogle.
Somalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...