Xukuumadda Muse Ka Ma Turjumimayso Rabitaanka Shacabka Somalilandwaxay Faraa Kula Jirto.

0
Thursday December 05, 2019 - 08:04:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muse Ka Ma Turjumimayso Rabitaanka Shacabka Somalilandwaxay Faraa Kula Jirto.

    Adduunkoo dhan badankiisa Xukuumado iyo xisbiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adduunkoo dhan badankiisa Xukuumado iyo xisbiyo
ayaa ka jira waxa qudha  ay ku kala  socdaan waa distoorka wadanka u yaal dadkuna waxay rabitaankooda iyo nabaddooda iyo shaqadoodu iyo dimuqraadiyadoodu ku qotantaa waa DistoorKa ay dhigato. wax aan qaban isaga iyo  ciddii la group ah  waxaa  dhacaysa goor ay noqotaba in wadankaas wuxuu dhigtay ku soconwaayey ee cidi ku danaysato distoorka wuu  burburayaa. Madaxweyne hawadiisa  distoor ma noqoto  oo  khilaaf jabhado dhaqaale burbur doorasho la'aan baa  ka dhasha.  Madaxweynena marka  ay ku xumaato  ana uu keligii talis noqdo  wax kale ma sameeyo ee Ummadda ayuu kala qaybiyaa  oo qoleba qolo ku diraa, muaamaraduhuna way battaan. Jiho wareerka noocaasi wuxuu dumiyaa  ummadnimada waana ta haysata maanta SOMALILAND oo wixii  ay ku burburi jirtay oo dhan waa  laga hayaa oo  reer hebel reer  hebel kalay hub u sitaan cidina sidaa guul kuma hesho. 


Dawladnimadu masii  jiri karto haddii dagaal sokeeye dhaco gobol walba wuxuu lafo haystuu ruugayaa markuu  cashuurtu istaagto somaliland way kasii  xag jirtaa  oo dawlad maaha caalamka ka mida ee waa ismaamul iskii  u darandooriyey haddii sida imika taagan maamulka yaree la kala boobay oo qolo  isku koobtay  dadkii  kaleba cashuurta na siiya ay arinkii marayo waa  kala googo bilawday iyo SOMALILAND dhammaadkeedii masuuliyaddaa waxaa qaadaya Madaxweynihii hore ee Siilaanyo isagaa  Musena girgiraa dabka ah u dhiibay  Musena  Maamul dawladeed  waxba kamuu  aqoon ee wuxuu  ahaa  askari  captain uun gaadhay oo weliba  aan maskax furaan iyo la qabsi nolol cusub lahayn markiiba  wax inqilaaba iyo xusbiyo baabiin, Baarlamaan fool eri  iyo goaano degdega ayuu  ku bilaabay wadankii oo  madaxwareer  xitaa  xukuumadiisii  ku riday, imika waxaan xasuustay  berigaan yaraa  ee aan Berbera joogay  ee Ninkii Cilmi Boodhari jacalku ku dhacay ee subax walba reer Berbera sugi jireen gabaygii xalay Boodhari tiriyey; Muse  Biixi goaamadiisii iyo Distoor jebintiisii Gabayadii Boodhari oo kalay noqdeen oo subaxii la sugo. Maamulidda noocani qof walba kalsooniddii wadanka iyo u shaqayntii wadanka ayey luminaysaa. Ta labaad waxay quusda u goynaysaa dhalinyarada boqolkiiba todobaatan ah ee aan waxba uga soo socon xagga  dawladda iyo xusbiyada iyo baaarlamaanada iyo doorashooyinka ma dhalayska ah een dhalinta waxba uga soo NASA caddayn. Waxay  ummaddu  ogaayeen madaxda  wadanka  maanta oo wada gabaw jooga oo aan vission cusub keeni karaan madaxoodu. 

Calaa kuli xaal siduu Madaxweyne Muse wadanka u wadaa kama turjumayso RABITAANKA ummadda waayo waxay ku meeraysataa dagaali iyo jabhado, reero la isku dirayo, dhulboob iyo lacag urursi iyo is haysad xukuumad iyo xisbiyo iyo Baarlamaano bilaa doorasho woxoo dhan waa u rajo la'aan jiilasha soo socda.

M Bashe 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...