Wasiir Ka Tirsan Dawlada Itoobiya Oo Ka Horyimid Qorshe Uu Wato Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed.

0
Thursday December 05, 2019 - 01:34:12 in News by
  • Visits: 2393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Dawlada Itoobiya Oo Ka Horyimid Qorshe Uu Wato Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed.

    Wasiir Ka Tirsan Dawlada Itoobiya Oo Ka Horyimid Qorshe Uu Wato Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Dawlada Itoobiya Oo Ka Horyimid Qorshe Uu Wato Raysal Wasaare Dr. Abiy Ahmed.


Adis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka ItoobiyaDr. Abiy Ahmed ayaa diyaarinaya qorshe uu ku baabiinayo isbahaysiga xisbiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya.


Qorshaha raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin doorashooyinka dalka Itoobiya.




Masuuliyiin xilal sare ka haya dawlada raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa ka horyimid qorshaha uu doonayo inuu ku kala diro xisbiga isbahaysiga ah ee EPRDF kuwaas oo ku doodaya inaan la gaadhin wakhtigii isbadal lagu samayn lahaa qaab dhismeedka xisbiga aqlabiyada Itoobiya.


Wasiirka gaashaandhiga Itoobiya Lemma Megerssa oo ka tirsan xukuumada Dr. Abiy Ahmed ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka soo horjeedo qorshaha raysal wasaarihiisa isla markaana uu qabo in marka xaalada nabad galyo ee dalka la eego aan la joogin wakhtigii la samayn lahaa xisbiga cusub isla markaana meesha laga saari lahaa xisbiga isbahaysiga ah ee EPRDF.


Wasiir Lemma Megerssa oo ka hadlaya qorshaha uu wado raysal wasaarihiisu ayaa waxa uu yidhi "In xisbigan lagu milo kuwo kale maaha arin wakhtigeedii la joogo waxaana jira halis badan. Waxaan ku jirnaa xilli kala guur iyo waqti aan soo amaahanay, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo dhinaacyo kala duwan ka imanaya.” ayuu yidhi wasiir Lemma Megerssa.


Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii hore ku dhawaaqayin isbahaysiga talada haya ee EPRDF la baabi’in doono islamarkaana ay sameeyn doonaan hal xisbi oo cusub oo lagu magacaabo Prosperity Party.


Abiy Ahmed ayaa sheegay in xisbigan cusub diyaariyey barnaamij cad, sharci iyo qorshaha 10-ka sano ee soo socda kaasi oo Itoobiya ku hoggaamin doona baraare sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.


Qorshahan uu wado Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa kasoo horjeeda Siyaasiyiin caan ah oo qeyb ka ah Xukuumada uu hogaamiyo iyo xubno kale oo Isbaheysiga katirsan kuwaa oon la dhacsaneyn sida uu wax u wado Ra’isul Wasaare Abiy.




Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...