Dawlada Denmark Oo Si Adag Uga Hadashay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Muuse Biixi Caadaystay.

0
Thursday December 05, 2019 - 01:30:52 in News by
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Denmark Oo Si Adag Uga Hadashay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Muuse Biixi Caadaystay.

    Dawlada Denmark Oo Si Adag Uga Hadashay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Muuse Biixi Caadaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Denmark Oo Si Adag Uga Hadashay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Muuse Biixi Caadaystay.


Hargeysa(HWN):-Dawlada Denmarka oo ka mid ah wadamada somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarka isla markaan qayb ka ah wadamada ku jira sanduuqa SDF ayaa walaac ka qabta dib u dhaca doorashooyinka iyo hab dhaqanka xukuumada Muuse Biixi.

Natiijada sawirka mette knudsen


Safiirka dalka Denmarka u qaabilsan wadamo ka mid ah bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya, Eritrea,Seychelles Iyo Soomaaliya Mette Knudsen ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay sida ay uga walaacsan yihiin doorashooyinkii somaliland iyo xoriyada hadalka oo haatan somaliland ka maraysa meel aad u hoosaysa.


Danjire Mette Knudsen waxay xustay in dawladeeda Denmark ay niyad jab weyn ka qaaday dib u dhaca joogtada noqday ee ku imanaya doorashooyinka somaliland ee baarlamaanka, waxaanay tilmaantay inaanay dawladeeda la dhacsanayn cabudhinta ay xukuumada Muuse ku hayso xoriyada fikirka iyo hadalka.


Danjire Mette Knudsen ayaa fariinteeda ku xustay sida ay uga soo horjeedaan xadhiga aan sharciga waafaqsanayn ee xukuumada Muuse Biixi kula kacayso dadka soo bandhigaya aragtiyahooda siyaasiga ah iyo dhaliilaha dul hoganaya Muuse iyo xukuumadiisa haysay talada somaliland labadii sanadood ee ugu dambeeyey.


Walaaca ay dawlada Denmark ka muujinayso doorashooyinkii somaliland iyo xoriyadii hadalka ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay dhawaan beesha Caalamka oo ay qayb ka ahaayeena si weyn uga hor yimaadeen mudo kordhinta loo sameeyey golaha wakiilada iyo dib u dhaca doorashooyinka.


Dawlada Denmark oo qayb ka ah dawladaha ku midoobay sanduuqa horumarinta somaliland ee SDF ayaa la dhawrayaa talaabada ay qaadi doonaan ee ka dhanka ah xukuumada Muuse Biixi maadaama aanay la dhacsanayn qaabka uu dalka ku hogaaminayo Muuse Biixi.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada wax jawaab ah ka bixin dhawaaqyada kala duwan ee ka imanaya beesha caalamka iyo wadamada somaliland ka taageera doorashooyinka ee ka dayrinaya dimuqraadiyadii iyo xoriyadii hadalka ee somaliland.


Halkan Hoose Ka Akhriso Fariinteedii Twitter-ka






Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...