Taliyaha Booliska Oo Shaaciyey Amaro Uu Ciidanka Dul Dhigay Iyo Qorshe Ay Isla Og Yihiin Muuse Biixi

0
Thursday December 05, 2019 - 01:28:07 in News by
  • Visits: 4193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Oo Shaaciyey Amaro Uu Ciidanka Dul Dhigay Iyo Qorshe Ay Isla Og Yihiin Muuse Biixi

    Taliyaha Booliska Oo Shaaciyey Amaro Uu Ciidanka Dul Dhigay Iyo Qorshe Ay Isla Og Yihiin Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Booliska Oo Shaaciyey Amaro Uu Ciidanka Dul Dhigay Iyo Qorshe Ay Isla Og Yihiin Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Taliyaha cusub ee ciidamada booliska somaliland sareeye Guuto Maxamed Saqadhi Dabagale ayaa digniin u diray ciidamada amaanka.


Taliye Daba gale oo la hadlayey ciidamada booliska ee dalaga ka beeraya banka Wajaale ayaa soo bandhigay waxyaabo ciidamada booliska laga mamnuucay isticmaalkooda, isaga oo sheegay inuu cadaalad ku dhaqayo ciidanka.

Natiijada sawirka taliye daba gale


Taliye Dabagale oo ugu horayn soo bandhigaya amarada uu dul dhigay ciidamada booliska ayaa waxa uu yidhi "Jaadku sadexjeerba waa mamnuuc , markaad joogtaan saldhiga waa mamnuuc ,adigoo direys xidhana waa mamnuuc , gaadhiga ciidanka ee buluuga adigoo wata inaad iibsato waa mamnuuc , ninka doonayow ee rasaas isla dhacayow aqalkaaga dhexdiisa iskula dhac "


Sidoo kale taliye Dabagale ayaa sheegay inuu cadaalad ku dhaqayo dhamaan ciidanka booliska mudada uu xilka hayo, isaga oo shaaciyey balan u dhaxaysa Muuse Biixi "Cadaalada ilaahay uunbaa dhameystiri kara , laakin aniga dadaalkeyga waxaan balan qaaday raga aan xukumana ku ilaalinaya madaxweynuhuna macalin iiguyahay oo uu ifaray ilaahayna ifaray waxa weeyaan inaan cadaalad dhexdeena isku xukuno hadaad darajo xaq uyeelato waan kusiinayaa , hadaad xadhig xaq uyeelatana waan ku xidhayaa"


Taliye Dabagale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxaan doonayaa waxa weeye in xidhiidhka dadweynaha iyo inaga inoo dhaxeeya inaynu wanaajino talaysku haystaa wataa taynu doonayno inaynu hagaajinaa wataa xidhiidhka s weynu wanaajinaynaa , qofka dhibane kuusoo ashkatoodo waa laraacaya si fiican oo edebleh ayaa looguso shaqeynayaa "



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...