Madaxweynaha Uganda Oo Sababeeyey Ujeedada Uu Ka Leeyahay Jimicsi Uu Bilaabay

0
Thursday December 05, 2019 - 01:18:27 in News by
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda Oo Sababeeyey Ujeedada Uu Ka Leeyahay Jimicsi Uu Bilaabay

    Madaxweynaha Uganda Oo Sababeeyey Ujeedada Uu Ka Leeyahay Jimicsi Uu Bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Uganda Oo Sababeeyey Ujeedada Uu Ka Leeyahay Jimicsi Uu Bilaabay


Barta bog-ga ee Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hawada laga saaray ka dib markii lagu daabacay farriin lagu soo bandhigay in uu is caateynayay oo qaabka cuntada uu iska badaly, jimicsina uu sameeyay.

Museveni oo lo'diisa la joogo


Sidoo kale, wuxuu farriinta ku beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in uu xanuunsaday, wuxuuna tilmamay in uu is caateeyay oo si ula kac ah uu isaga riday xeyrta, sida ay qortay barta wararka Uganda ee Soft Power.


In kastoo aysan caddeyn sababta barta madaxweynaha hawad looga saaray, haddana Soft Power ayaa soo xigatay Museveni oo sheegaya: "Ma aanan daalin, guud ahaan. Aniga ayaa si ula kac ah isu caateeyay oo iska dejiyay cayilkii bedelay qaab-dhismeedka jirkeyga, sababtoo ah dhaqaatiirta si sax ah nooguma aysan sharaxin dhibaatada haddii aan la is caateynin".


Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni waa 75 sano jir, wuxuuna xilka hayay tan iyo sannadkii 1986-dii.


Wuxuu madaxweynaha sheegay in ujeedadiisa ay tahay in uu sii ahaado sida hadda uu culeyskiisa yahay ee ah 76kg, taas oo u dhiganta dhererkiisa oo ah 1.7m.


Barta Soft Power waxay sheegtay in madaxweyne Museveni uu sheegay in uu si degdeg ah u billaabi doono in dadka Uganda uu baro dhibaatada uu cayilka u leeyahay caafimaadka.


Yoweri Museveni waxaa lagu garanayaa in uu hab nololeed caafimad leh uu leeyahay, uusanna cabin khariga, weligiisna aan cisbitaal la geyn, sida ay bahisa barta wararka Uganda ee Soft Power.


Waxaa marar badan la arkay madaxweyne Museveni oo shacabka dalkiisa u sheegaya in ay masaafo dheer socdaan, hadalkaasna wuxuu sheegaa markasta oo uu joogo tuulada uu ka soo jeedo ee Rwakitrua.

Loading...
Loading...