Maxamuud Xaashi Waan Ku Hambalyeynayaa Hankiisa iyo Damaciisa Waxaan Ku Dardaarayaa In Aanu Muuse Biixi Abaalkii Ka Sugine Faraha Ku Maroojiyo
.
Haddaanu Nahey Ragii Kasoo jeeday Bud-dhigii Xisbiga Kulmiye ee Galbeed
oo Gabiley u Tahey Hormood Waanu Ku halmbalyeyneynaa, Waanan ku
Taageersanahay, Waananu soo dhaweyneynaa Damaca Siyaasiga ah ee uu
Maanta Shaaciyay Siyaasigii Maxamuud Xaashi Cabdi, Runtiina Wuu la
habsaamey, Waxey aheyd in uu Mar hore Soo bandhigo Sababtoo ah
isagu(Maxamuud-Xaashi), ahaan.wuu ka Taageero badanayaa Raga Maanta
Talada Xisbiga haya, ee (Askarta), Waxaanan aaminsanahay hadii uu intan
Kasoo horeysiin lahaa Ma dhacdeen Mudo Kordhinta Golaha Wakiilada, iyo
Guurtidu Maxaa yeelay Gacanta Fuluhu Wey Xanuun.Kulushahaye Maxamuud
ayaa Jaaniskii Siiyay oo Fursadaa uga Dib dhacey.
Haatan Dhacdaye, Mar hadii uu Maxamuud Xaashi Cabdi ka dhawaajiyay
Damaciisa Siyaasiga ah Waa mid Xaqiiqdiisu Dhex taalo oo ay Ka muuqato
Bulsha-weyntii Kulmiye taageerayaasha u ahaa oo Bari iyo Galbeedba leh,
Waxaan ku Dardaareynaa Maxamuud In aanu U Yaacin Baalaxooftada Kooban ee
Askarta haseyeeshee, ay Yihiin Niman Wada Dhaawac iyo Nabar ah Waxaan
ku Leeyahey Abaal iyo Suubaasaalax hala Sugine Ka Qaado oo ka
Fara-marooji Xisbiga ileyn looma baahna Xisbi Jeebka kujira oo Xubnha
Gudidisa Fulintu laba Reer oo kaliya yahey, oo au Yihiin kuwii Jeegaanta
Go,an ahaa ee uu Maalintii dhaweyd isugu yeedhay.
Mar kale Waxaan Leeyahey, Maxamuud Xaashi Damacaagan Maanta iyo
Shaacintiisu Waxey Fursad u Tahey oo ay Rajo fiican u Tahey kumanaan
dhalinyaro ah oo ah Taageerayaashii aasaaska u ahaa Xisbiga Kulmiye
xaraa Waagii aan Muuse Biixi kujirin ee Noofamber 2002dii Waxey Rajo u
tahey oo Mustaqbalka u Diyaar Garoobi Doona Taageerayaashii Galbeed
Xisbiga KULMIYE ee Gabiley Kaw ka Tahey Waanu taageeraynaa, Waananu
Barbar joognaa Mar Sadexaad ayaan ku.leeyahey kusoco oo ha joojin ee ka
Qaado Xisbiga.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...