Agabkii Ay Dumarkii Hore Ee Soomaliyeed Isku Qurxin Jireen:

0
Wednesday December 04, 2019 - 15:31:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 4197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agabkii Ay Dumarkii Hore Ee Soomaliyeed Isku Qurxin Jireen:

    1. Diib:diibku wuxu ahaa timir inta lafta laga saaro oo lamilay oo ay dumarku mariyaan wajigooda iyo gacmahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Diib:diibku wuxu ahaa timir inta lafta laga saaro oo lamilay oo ay dumarku mariyaan wajigooda iyo gacmahooda.

2.     Xinne: waa geed caleentiisa la qalajiyo kadibna la tumo oo loo isticmaalo maydhashada.

3.     Qasil:qasilku waa laga samayn jiray caleenta geedka gobka oo la qalajiyey kadibna la tumay oo la mariyo wajiga, gacmaha iyo lugaha.

4.     Saddex qayd:waa maro cad oo ka kooban sadex maro oo laysku tolay oo ay dumarku xidhan jireen iskuna qurxin jireen taas oo dumarku xidhan jireen iyaga oo garbaha qaawan.

Maxamed ibraahim warsame hadraawi ayaa mar maansadiisa kusoo daray sadexqaydka waxaanu yidhi:

Ä Sadex qaydku ceeb maaha

Ä Hadaan saarku kuu diidin.

5.     BOQOR:boqorku wuxu ahaa maro ka samaysan nooc ka mid ah dharka la xidho.

Boqorku wuxu ahaa maro kasamaysan kuul iyo dun laysku taxay waxay habluhu ku xidhan jireen dhaclaha hoostiisa, sidoo kale waxa loo yaqaanay dhixir.

Waa kii qamaan bulxan lahaa:

Q Eeboow dharkiyo way marshaan dhixirka naaguhuye.

Waxa ay dhixirka ku guran jireen maydhaxda iyo agabka kale waxaanu hablaha uga dhignaa sidii jeeb oo kale.

6.     Dhacle:dhacluhu waa maro dun la marmaray oo lagu xidho boqorka dushiisa.

Markale dhacluhu wuxu ahaa sun ay habluhu ku xidhin jireen dhexda.

7.     TUSBAX:tusbaxu waa kuul cunaabi ah oo laysku waydaarsho labada garab.

8.     CABAADH:cabaadhku waa kuul yar yar oo qoorta lagu xidho.

9.     JINO:jino waa qalab lagu xidho dhudhunka dushiisa oo ka samaysan naxaas.

10.           BARAARUG: waa shay caag ka samaysan oo lagu xidho dhudhunka ama gacmaha.

11.           LAAS: waa shay xidhiidhsan oo aad u qurux iyo qaayaba badan waxa inta badan samaysa dirindiirta  iyadoo maradaasi ay tahay xariir waana maro ay xidhan jireen jireen dadka ladan ee eebe weyne xoolo makan siiyey waana kii lahaa cumar ustreeliye si kasta oo aad u xaragooto oo dharka nooca ugu wanaagsan eeLaasku kamidka yahay u qaadato walee nimaan geel dhaqani dhaxal maleh:

·       Inkastuu aduun dhaqdiyo dheeman iyo daaro

·       Inkastuu dhar wada suufiyo dheg iyo laas qaato

·       Dhaxal maleh Nin soomaliyoon dhaqanin kooreey.

12.           SIYAAKHAD:waa qalab lagu xidho qoorta sida silis dahab oo kale.

13.           SUBEECIYAD:waa maro dumarku huwadaan garbosaar ama shalmad oo kale, waa maro midabo badan isugu jirta oo ku soo aroortay suuganta soomalida dhexdeeda waaxaan ka xusi karaa maansadii maxamed ibraahim warsame hadraawi oo ay ku jirtay

*    Sar daruuran oo maas ah

*    Maro abusarmaantiiya

*    Dhacle beerka loo soohay

*    Boqor wada siyaakhaysan

*    Sildiyaal jiljila dhiibasan

*    Tusbax dhowr sagaal laaba

*    Iyo qoor sunaar dheehan

*    Subeeciyad xidiyo laaf leh.

14.           LAASIM:laasimku waa sida shuuliga oo kale waxaana xidhan jiray hablaha gashaantimaha ah ee aan wali la guursan.

15.           DHUU: dhuugu waa hugii ama dharkii ugu horeeyey ee dadku xidho, Saanta ugaadha ayaa laga samayn jiray intii aan dibaha ayna inaga soo gaadhin dharka dunta ama cudbiga laga sameeyo ee casriga ahi.

Ugaadha inta saanta laga saaro ayaa la magdiyaa dabadeedna la tolaa, ragu laba go’ ayuu ka tolan jiray dumarkuna diric iyo shalmad ama garbosaar.

Abwaan xasan yacquub guuleed oo dhuuga mar maanso kooban ku sheegayna waa kii lahaa:

« Ilaahii bada dhoofka

« Maraakiibta dhacaysa

« Doonyaa soo dhiganaaya

« Dhar ileen ma heleenoo

« Dhuugu waynugu ceebe

« Dhaqaaje socodsiiyoow

« Dhowr goor waa mahadaa.

16.           DUGAAGAD:waa qalab ay dumarkii soomaliyeed ku xidhan jireen suxulka dushiisa.

17.           DHEX KU XIDH:dhex ku xidhku waa maro loo xidhi jiray hablaha aan wali la guursan waa maro dhexda lagu xidhi jiray, waxaana lagu garan jiray inaan inantaa wali la guursan waxaana laga furi jiray marka la guursado inta badan hablahaas dhexdoodu waxay ahayd mid yar dhexku xidhka awgii.

18.           BARASHUUD: barashuudku waa kabo ay xidhan jireen dumarkii soomaliyeed oo ka samaysnaa saanta xoolaha

19.           CANBARSHE:canbarshuhu waa bahal gacanta ay gashadaan dumarku oo loo xidhan jiray in laga hello caafimaad oo la aaminsanaa inu ilaaliyo isha iyo wixii la mid ah.

20.           CUREEJI: waa macawis laysku tolay oo duluc loo sameeyey oo ay dumarkii hore xidhan jireen, inta badan cureeji way soo dhawaatay oo waayo dhowayd dumarku waa xidhan jireen.

Waxa gabay ku sheeg abwaan gabay xoog mar uu tilmaamayey gabadhii samawada axmed siciid ee ay isku dileen labadii ninee kibirku taabtay ee cali duulane iyo faarax afxakame oo noqotay gabadhii ugu ba’nayd ee soomali isku disho oo gadaalkii loo bixiyey (tafadhiig) waa kii mar lahaa gabyaagu:

Ø  Naagtii cidhbaha loo raray koromo ciiraaya

Ø  Naagtii marada cureejida cagaha jiidaysay

Ø  Ninba maalin bay caashaqdaa caga wadaadleye

Ø  Maantana talaabada cutiyaay cali miyey raacday.

21.           KHEYLI: khayli waa maro qaayo iyo quruxba lahayd oo ay wada qaadan jireen ragii iyo dumarkii horeba kuwa raga waxa la odhan jiray kheyliga halka kuwa dumarkana la odhan jiray kheylida.

Kheylida in badan ayey ku soo aroortay gabaydii iyo suugaantii hore ee somalida tusaale ahaan markii raage ugaas iyo wiil ay shaxeen ee ay cabana soo agmartay waa kuwii isku lahaa:

Ä Kheylida jilbaha loo dhigiyo jaaha wilicdiisa

Ä Ha jaleecin wiil baa uga dhacay tobanka jiiroode.

22.           BAFTO: waxay kamid ahayd maryihii dumarku isku qurxin jireen oo ahayd maro cad oo kakoobnayd cutubyo kuwaas oo marka ay hablaha gashaantimaha ahi ay xidhaan quruxdooda bili jirtay oo lagu garan ogaa.

23.           CAGBA CAG: waa kabo ay xidhan jireen ragii hore ee somaaliyeed kuwaas oo aan lahayn bidix iyo midig toona oo hadba cagtii aad galiso ku ahayd mid ku haboon.

24.           CUNAABI:cunaabigu waa kuul weyn oo hablaha gashaantimaha ahi ay qoorta sudhan jireen waxa inta badan laga keeni jiray wadamada hindiya iyo carabta.

Cunaabigu wuxu si dhab ah oo dhamaystiran u bila jiray una soo saari jiray quruxda iyo qaayaha hadba inanta gashan.

Alle ha unaxariistee fanaanadii somaaliyeed ee saado Cali warsame waa tii ku heestay ee tidhi

— Hadii caawa igu yidhi

— Bada cagaha geliyoo

— Tinta caarada u soohoo

— Soo xidho cunaabiga.

25.           MARAYKAAN IYO MARBUUC: waxay ahaayeen laba maro oo midabkoodu cadaan ahaa oo ay inta badan xidhan jireen hablaha gashaantimaha ah ee soomalidu, maraykaan waxa loogu bixiyey waxa inta badan laga keeni jiray wadanka maraykanka.

Marbuuc: Iyana waa maro lamid ah maraykaanta laakiin marbuucda waxa laga keeni jiray cadan oo waagaa ahayd xadaaradii iyo goobta ganacsi ee isku xidhi jirtay  inta badan dadyowga ku nool dunida guudkeeda.

Inantii uu dhalay sayid maxamed cabdille xasan ee la odhan jiray qaali sayid maxamed waa tii mar aabaheed ku lahayd:

*    Caaqiloow adoogay caawa ma iigu sheegtaa

*    Mase waan cawdaayoo cid kalaan uyeedhaa

*    Maro waan qabaaye qalbigaygu wuxu rabo

*    Baftadii cadaydiyo subeeciyadiii guduudnayd

*   

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...