Caqli Niman Lahayn Buu La Yahay Maamulku Ciyaare ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 04, 2019 - 06:35:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqli Niman Lahayn Buu La Yahay Maamulku Ciyaare ( Abdi-Shotaly).

    Abid-keed-ba Aduunkan lama arag askari la mahadiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abid-keed-ba Aduunkan lama arag askari la mahadiyey
sidda bilaah-xaytahan isla baxay, Inta taariikh-da lagu hayo caqli xumaanta, way ka siman yihiin haduu direys-ba xidho'e, (illaah maalin qudha-na ha ka dhigo'e), bal dib ugu noqo inta ku soo martay, mudaddii aad garaad lahayd ama maqashay-ba. ka soo bilaw Adlof Hitler, Napoleon Boona barta, Muosa Liini, Staliin-kii Ruushka, Shaahii Iran, General yakubo gawan-kii Nigeria ee  Gobolkii Biyavara la odhan jirey gooystay, Lean Tikati-gii Ivory Coast, John tailer-kii siiral-yoon, Liinan-kii Ruushka, Saajin doh-hii Liberia, Jean paul bukashii Afrikadda dhexe ( Central Africa), Mingiste, Qadaafi, Cumaral bashiir-kii Sudaan, Af-Weyne ( Waa askarigan aabi-hiiye), Xusni mubaarik, jacfaral Numeeri, Abdala saalixii yamanta, Kii Tuinisa. Robert mugaabi-ggii Zimbabwi. cabdilahi yussuf, Cabdi Iley-gii kiilka shanaad baa ugu dambeeyeye. Caawa iyo maanta oo dhan haddii la wado wax qalin iyo waraaq lagu qori karo ama la soo koobi karo maaha, mana keenayso maskaxdu tira-doodda. Mar kale dib u xasuuso inta aad ka garan karto, bal mid-ba siduu u baxay iyo wuxuu ku dambeeyey. Akhristaw intaas kor ku taalaaba, iyaka oo is biday in ay leeyihiin awood " Ta illaahay ka weyn", oo sare u kaajaaya, sidda awr gu' daaqaya, oo dhibidda sinaha ilaa iyo dawaadda isku saydhaya, loola soo galay qori caaraddii ay ku wadda dhinteen, dhirta ilaalahy aduunka ku kor beeray ka badan, qaar kale-na kursiga ka caymadeen, markii shicibku ku kacay ( People's power), oo ay naftu kaga baxday lama degaan, ay haraad iyo macaluul ugu bakhtiyeen siddii Qadaafi, kuwo-na wadano kale ay u baxsa-deen baa ciidaas ah. Tix baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Caqli niman lahayn buu la yahay, maamulku ciyaare", imikaa-ba mid aan geeriddii nebiga ogayni (CSW) uu u soo findhici-shay Somalilande.

 

Xikmad baa ahayd  " Ragga calooshiisa la ciyaar iyo ciil kama koraw darane" adoon meel kale u doonin, waaba caynka ay yihiin askar-taniye). Haddii aad intaas sare akhriday iyo waxay xukun xumi-dooddii kala kulmeen, bal u qiyaasa kan isna is leh kuwaas ku dayo, way kuu suura-geli doon-taaye ( anshax xumo wuxuu ka qabo), oo weliba ka sii basar daran, kana caqli xun intii hore-ba, isaga oo haba-yaraatee ka madhan waayo'arag-nimadda, ka aradan dadnimadda, oo aan bani'aadam-kaba soo gelin, laakiin sawirka dadka leh, labadda dhegood-ba go'an yihiin, caqliga fuud kaga jiro wisikh ahi, cad la qaato lahayn, meela aan u soo marin maamul, ilayn waa wax amar uun la siin jireye, oo moodaaya in sidaa ummad lagu xukumo, saw maaha markaa " laxddii dhukanayd" ee la yidhi " Waa abaar moog" iyo wax ka sii liita. Wuxu yidhi Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim (Ihun) " Dhaaxuu nin keliggii tashaday, karin ka duulaaye, Faaruuq-ba koos buu lahaa, keli ku nooloowe, Kumbuskii ka qubay boqoraddii, kooxdi yamaneede, mid kalkii dhamaadaan arkaa, oo taagan kodadiiye, ka shib dhaha islaameey, naftii kii ladnaa gadaye. Waxan u soo qaatay intan sare ku taal waxa weeye " Mid kuwaa ka dhigan baa jiroo, kadab u yeelayne ( Waa askariga'e). Haduun baa koob-kooddii foorar-saday, oo weliba haduu sidaas uu ku bed qabo maba xumaa-teene, ay u sii dheer tahay " Cuqdad iyo uur xumo" lafta iyo dhuuxa ka gashay, taas oo xataa aan godka kaga hadhayni, ilaahayna aanu ka dhaafayn, haduu kun jeer Xaramka tago, waayo xoolo xakaal ah kuma uu xajin, waa tuuga-duu ka dhacay ummadan tabaaysan ee uu maca dhulkii ka boobaye.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, oo iga ah digniin ah, aan siinaayo labadan askari weedha ah Maalin aan sidaa u sii fogayn. Muwaadin sooyaalka baa inoo sheegaaya, in caqliga askarigu uu meel xun ku dambeeyo. Waxa la yidhi " Nin is waalaba, waabiyaa hela" ee wuu dul taagan yahay xabaashii lagu silic ridi lahaa " Waxa kale uu yidhi Tima-cade (Ihun) " Nin wanaag ku waaraba, mar baa waayir xidha-yeeye" imika uun buu dabinkii cagaha la galay, luqun-tana uu qoolkii bakhtiin lahaa uu iskaga rooriyey. Waxa kale oo qaasim laga hayaa (Ihun) " Suul-daaro waw halis, nimay rag isi seegeene" Kan isaga ah weli rag-ba ismay arag, ee marka Caano boodhe laga liso, ee hadh cad macsar laga tuujiyo siddii geedka sinsinta la yidhaaho, ee diirka laga qaado siddii liin qarbooshta la cuno ( wax beryahan dambe loo yaqaanaa liin macaanta), Imika hoos buu u fooraraa askarigu siddii wan-kiiye, dhawaan bay indhhiisu cirka arki doonaan. khasab iyo sandule af-goos, baa san-kiisa iyo cidhbaha la isku toli abaal la'aan, nin kastoo salaan dheer u baxay soo deg baa xigiye. bal kaas baa wax is bidaya markii raggii-raga ahaa, ee ka keni adkaa la ogaa wacdarahii gaadhay, ee uu mid waliba kaga tegay isaga oo leh I-bixiyaw I-bixi, waaba xaar walwaalkan buka'e. 

* N.B Is Maqiiq-daye, Mawd-Kaagaa Xigi!

Qore:- Abdi-shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...