Muuse Biixi Oo Jawaab Ka Helay Gaf Badheedh Ah Oo Uu Kula Kacay Beel Reer Somaliland.

0
Wednesday December 04, 2019 - 01:12:34 in News by
  • Visits: 8081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Jawaab Ka Helay Gaf Badheedh Ah Oo Uu Kula Kacay Beel Reer Somaliland.

    Muuse Biixi Oo Jawaab Ka Helay Gaf Badheedh Ah Oo Uu Kula Kacay Beel Reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Jawaab Ka Helay Gaf Badheedh Ah Oo Uu Kula Kacay Beel Reer Somaliland.

 


Hargeysa(HWN):-Afhayeenka xisbiga mucaaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si adag uga jawaabay hadalo uu abwaan Cabdiraxmaan Abees sheegay inay ka soo baxeen Muuse Biixi oo hada hogaamiya somaliland.

Barkhad Eed Culus U Jeediyay Madaxweyne Biixi


Afhayeen Barkhad Batuun ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kula garnaqsaday Muuse Biixi, waxaanu cadeeyey halka uu ka taagan yahay hadal milgaha madaxnimo ka madhan oo la sheegay in Muuse Biixi ku weeraray reerka uu ka soo jeedo afhayeen Barkhad Batuun.


Afhayeen Barkhad Batuun ayaa hadalkiisu u dhignaa sidan.:-

"Waxa aan ka marag kacayaa in aad tahay Madaxweynahaygii, Madaxweynihii qarankeyga, Madaxweynihii Mucaaradka iyo Muxaafidka, balse waxa aan kuu sheegayaa in aan Mabsuud ku ahay in uu Alle iga dhaliyey kuwaad Midgaha u taqaanid Oo aan 20 Sanno ka hor soo jiidhay deyrki Jeelki Jaahiliyada ee Sumadiisu aheyd kala sarreynta dadka. Astaan Madaxweynenimo waa Caddaalad iyo Sinnaan bulsheed. Waxaans’e ka Murugeysanahay In ay dadkeeni Somaliland iyo dunidiiba ogaatay In aad tahay Madaxweyne hayb-sooca Muwaadiniinta yaqaana kana run sheegi karin qodobka 8aad ee dastuurka dalka dhaartana aad ku martay! Hawshaada wado hanki qaranka rumoobe haybtuna waa maqiyaaska maamulkaaga! hora loo soconaya,” Sidaas ayuu Barkhad ku yidhi qoraal uu boggiisa Facebook soo geliyay”


Qoraalka Barkhad ayaa u muuqda mid jawaab u ah qoraal baraha bulshada qabsaday markii Barkhad dhawaan xidhnaa kaas oo baraha bulshada ay soo galiyeen dad goobjoog u ahaa madaxweynaha oo ku tawaawacaya in uu Barkhad oo Midgaan ah xidhi kari la yahay isaga oo nin reerkiisa ah xidhaya.


Qoraalka oo uu soo baahiyey abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ay isku reer yihiin Muuse Biixi ayaa u dhignaa sidan:-


Arinka lagu xidhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga wadanni Anu dhaliilina maayo Taageerina maayo oo Maxkamadaha ayaa kala cadayn lakiin halkan waxaan ku soo bandhigayaa kulan aan Madaxwayane Muuse Biixi Boorama kula yeelanay xiligii shirwaynaha xisbiga kulmiye iyo wuxuu Madaxwaynuhu ka yidhi mar uu soo hadal qaaday Afhayeenka Xisbiga WAddani BARKHAD BATUUN .


Madax Wayne Muuse Biixi ayaa isaga oo la hadlaya dhaliinyar ka kooban shan qof oo aan ka mid ahaa yidhi: ( Aduunyadu inay is badashay C/Raxmaan Abees oo Reer samatar ah oo waliba reer Xaaji faarax ah ayaan xidhay midgaankii Barkhad Batuuna Habeen walba wuu I caayaa oo Waan xidhi kari laayahay. Xaaji faarax hadii intaa qabriga loogu sheego tollow muxuu odhan lahaa). Sidaa waxa u dhignaa hadalkii Madaxwaynaha qaranka jamhuuriyada Soomaliland. Arinkaasi wuxu leeyahay Markhaati kalidayna maan ahayn. Hadal Cunfi iyo Cunsuriyadle ayuuse ahaa.


FG : Ilaahay ayaa u wayn cid laga baqo Madaxwaynahana been kama sheegayo. Ilaahay ayaan maalinta qiyaamah la hortagayaa In madaxwaynu Hadalkaa Af-kiisa ka yidhi.

Loading...
Loading...