Ayax Ku Habsaday Deegaano Hoos Yimada Gobolka Togdheer Iyo Moganaanta Wasaradda Beeraha

0
Tuesday December 03, 2019 - 16:56:19 in News by
  • Visits: 2327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayax Ku Habsaday Deegaano Hoos Yimada Gobolka Togdheer Iyo Moganaanta Wasaradda Beeraha

    Ayax Ku Habsaday Deegaano Hoos Yimada Gobolka Togdheer Iyo Moganaanta Wasaradda Beeraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayax Ku Habsaday Deegaano Hoos Yimada Gobolka Togdheer Iyo Moganaanta Wasaradda Beeraha



Hargaysa(HWN):- Deegaano hoos yimda gobolka Togdheer ayaa waxa ku hasaday mudooyinkii udanbeeyay oo ay la ciirciiraysa ayaax fara badan oo ku habsaday dhul daqsimeedkii gobolka Togdheer, taasi oo uu dhibaato wayn ku hayo jiritaanka iyo nolasha deegaano badan oo ku teedsan gobolka Togdheer.

Dadka ku sugan deeganada uu  ku habsaday ayaxu ayaa dhawr jeer qayladhaan xoogan u diray xukumada iyo waliba wasaradaha khuseeya oo ay uga hoorayso wasarada beeraha Soomaliland,taas oo u maqata inay dhagaha ka furaysatay xukumadu maadama dhawr jeer ay warbaahinta mariyeen cabasho ku aadan ayax ku habsaday deegaano hoose yimada gobolka Togdheer.




Mid ka mida xoolodhaqata ku sugan deeganada uu ku habsaday ayaxu ayaa cabasho baladhan ka muujiyay ayaa yidhi"Xanuunbaa laga qaaday,xoolihii way bukaan,way indha baleen,caano lagama liso,cagihiina way ka curyameen,oo nabaro ayaa ka soo baxay,Dhulkii wuu yacsuman yahay ,waana aradan yahay arligu"ayuu yidhi mid ka mida xoladhaqatada gobolka Togdheer.  



Wasiirka Beeraha ayaa mudooyinkii u danbeeyay iska dhaga marayay cabashada ka soo yeedhaysa deegaano hoos yimda gobolka Togdheer kaas oo saamayn xoogan ku yeeshay deganadaasi ayaaax tiro badan oo ku habsatay ,taasi dhawr jeer ay warbaahinta muriyeen wasiirka beeraha iyo xukumadaba in laaso gurmado si aafada ayaxan ee ku habsaday deeganada wax looga qabto. 



Hadhwanaagnews.com
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...