Madaxweyne Biixi Isagoo Aan Dhamaysan Laba Sanadood Ayey Awoodiisii Ku Shaqeysanayaan Caruurtii uu Abtiga u ahaa iyo Kuwii uu Dhaley
Waxaa Wax Lala Yaabo ah in Halagankii SNM Ee Shacbiga Reer Somaliland
soo galeen Caruur iyo Ciroolaba gaar ahaana Beesha Dhexe Waxa Ilaa iyo
Maanta ku Calaamadsan, In Dhaqdhaqaaqii ka Bilaabmey kadib Markii
Maxamed Siyaad Barre ay taladii la Wadaageen Beeshiisii, Xigtadiisii,
Qaraabadasii ilaa Qoyskiisii ee uu Cabdiraxmaan Cali Barre ka dhigay
Wasiirka Arimaha Dibadda.
Waa Sabab Weyn oo mucaaradadii umada Soomaaliyeed ka
bilaabantey,inkastoo Maxamed Siyaad Barre Sanadihii u horeeyay ka
Xishooday in Caa,iladiisu ka dhex Muuqato Shacabka Waxaanay ku dhex
jireen Dadweynaha Caadiga ah mudo badan oo lawada garanayo.
Madaxweynayaashii Somaliland soo marey May Dhicin Taariikhda in
Inamadooda ay iyagu dhaleen, iyo Kuwa ay abtiyaasha iyo Adeerka u yihiin
Soo faragaliyaan Maamulka Wasaaradaha iyo Kuwa Kale ee Gobolada Waxaan
La Yaabanahay in ay Arintani Tahey mid Reer Gabiley ku Gooniya iyo in ay
Tahey mid uu Dalka intiisa kale la Qabo, Waxaan baridhaweyd Maqlayey
in Inankiisu Ganacsade Weyn Noqdey intan uu isagu Talada Hayey, maanta
Waxaan Daahba Saarneyn inamada uu abtiga u Yahey in ay Fara-baas Ku
hayaan Maamulkii Degmooyinka iyo Gobolada Maayarka Gabiley Wuu Dedaalay
oo Wuu Bixiyay Lacagtii (Town Balanka), Laakiin Ma Xaqbaa in Inan uu
Madaxweynuhu abti u Yahey oo Katirsan Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud
iyo Guryeyntu ka Awood bato.Agaasimayaashii Waaxyaha oo dhan,
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda iyo Wasiirkiiba, Ma Xaqbaa in uu Lacagtii
D/hoose Bixisey ee Cashuurta aheyd ee Dadka Reer Gabiley ka Qatanyihiin
uu isagu Jeebabka ka Buuxsado oo Guriga Martida hoosta kasoo Xidho.
Waxaynu Yeelayno ma aha intaana Waynu garanaynaa haduu Madaxweynuhu
Laabta u Tumay Caruurtiisii oo ku yidhi Waxaad doontaan Booba hantida
ugu badana Gacanta ku dhiga Laakiin Hargeysa uun iska ilaaliya oo
Gabiley iyo Jabuutiba kusoo Cunna Waa Taariikh Xumo aan Waligii ka
hadhi Doonin oo Muuse Biixi gooni u noqonaysa Waar Miyay jiraan
Madaxweyne aanu Naqaaney inan uu.Abti u Yahey oo Madaxda Gobolada oo
dhami ka baqanaysay, majiraan oo Wasiiradu udaba fadhiisanayeen
Shaqadii Wasaarada oo Waxaan hadalkyga kusoo gunaanadayaa Madaxweyne
Biixi isagaa Soo afjaraya Mudo Xileedkiisa una malayn Maayo in uu
Labadaa Sanadood Badh Dambe ku darsanayo isagoo aan Dhameysan Labada
Sanadood ayaynu arkeynaa in Awoodiisii at Ku Shaqeysaayaan Caruurtii uu
abtiga u ahaa iyo Caruurtiisii.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...