Habar Dhali weydey Alleelo ku waalatay
Haddii
se kursi iyo Madaxweyne Mar idhaha arinkaagu uun ahaa, oo aanad qorshe
iyo arintoona haynin, tabtaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayuu xaalkaa
noqon, markay xaajo murugtaba inaad isku mashquuliso wasiirada sidday
yihiin kuwa wax dhabqinaaya, se cudurka kaa gala Fardaha haddii laga
gubo Dameer, geenyo kuma bogsooto, siddaa laajigeed waa hogaamiyaha kay
taladu Taabka ugu jirtaa ee loo daba fadhiyaan, in arinkii noqdo
wasiiradow isku meeraysta, oo ila meeraysta, waa halkii Mujaahidkee ila
meereyso Xal maaha.
Dalka
waxa ka jira ismaan dhaaf siyaasadeed oo ba'an, oo kala irdheeyey
mujtamacii, caddaalad daro baahsan, Garsoorkii wuu Hawl gabay, waxa
tan'beeshay cabashadii shacabka cidna dhag uma jalaq siiso, waxa isasoo
taraaya qaylo dhaanta kasoo yeedheysa dacalada Dalka ee dirirta iyo
Colaada leh, taariikhda intii ay jirtay Somaliland waa Kow in jiho walba
laga iclaamiyey jabhado caddaalad u dagaalan ah, waxa jira muran aan
saldhigin oo ka taagan komiishanka qaran, oo maalinba maalinta ka
danbaysa sii cakir maaya, Shuruucdii Dalka u yiil oo lagu tuntay,
dastuurkii oo lagu xadgudbay, muwaadiniintii oo Ciddi wax ka gurayn oo
xaquuqdoodii la duudsiinaayo oo xadhig, cabudhin, tacadi iyo
cago-juglayn lagula kacaayo oo bahdillaadina u dheer tahay, xisbiyadii
Mucaaradka ahaa oo yaaban.
Iyada
oo xaal halkaa taagan yahay, halkii madaxweynaha qaranka Somaliland uu
guntiga dhiilka iskaga dhigi lahaa, ee uu u sixi lahaa wixii jira, ayuu
isku mashquulinayaa wasiiradiisa iyo Halkuu miiska magaca u saaraayo ee
uu ka soo jeedinaayo, shacabkii ka kore indho-sarcaadkii iyo iska jeedi
oo isku jeedi.
Hadal iyo dhamaan arimin baa lagaa sugaayey iyo qaladaad tiro Beeley oo in lasaxo u baahane, isku bedel kala bedelkaagu, Mudane waa Habar Dhali weydey Alleelo ku waalatay.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!