Dowladda Hoose Ee Degmada Laascaanood Oo Nidaam U Sameysay Gaadiida Bajaajta

0
Tuesday December 03, 2019 - 06:47:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Hoose Ee Degmada Laascaanood Oo Nidaam U Sameysay Gaadiida Bajaajta

    Laascaanoo(HWN)-D/hoose ee Degmada Laascaanood ayaa, Markii u Horeysay ku Guuleysatey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanoo(HWN)-D/hoose ee Degmada Laascaanood ayaa, Markii u Horeysay ku Guuleysatey
Laascaanoo(HWN)-D/hoose ee Degmada Laascaanood ayaa, Markii u Horeysay ku Guuleysatey In Nidaamka Cusub loo Sameeyo Gaadiidka Yaryar ee Dadweynuhu ukala Raacaan Xaafadaha Magaalada Laascaanood gaar ahaan Gaadiidka Bajaajta loo Yaqaan oo Culays badan ku hayeyIsu sococodka Jidadka Badhtamaha iyo Kuwa kale ee Magaalada.

Gaadiidka Bajaajta oo Dhibaatooyin joogto ah iyo Shilal fara badan ku hayey Gudaha Magaalada Laascaanood marka laga Taggo Cidhiidhiga iyo Culayska ay ku hayeen Marista jidka halbawlaha u ah Gaadiidka iyo jidadka kale Waxa Markii u horeysay, Nidaam iyo Gudiyo lagala Xisaabtamo Socodkooda iyo Xafiis ay gaar u leeyihiin u Sameysay D/hoose ee Degmada Laascaanood iyadoo ay Sigaar ah uga hawl galeen Agaasimayaasha Waaxaha Cashuuraha iyo Arimaha Bulshada D/hoose ee Degmada Laascaanood Jaamac Cali Xaashi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, oo mudo ka shaqeynayay sidii Loo Waafajin lahaa Nidaamka loo asteeyay Dhaqdhaqaaqooda Guud, maadaama ay Gaadiidkan Bajaajtu kor u dhaafeen in ka badan Lix Boqol.


Agaasimayaasha D/hoose ee Mudada dheer ka shaqeeyay habsami u Socodka Gaadiidkan Bajaajtu Waxey u Sameeyeen Istaamo gaar ah oo ay Dadweynaha ka Qaadaan, kadib Markii Culeyskooda iyo Dhibaatadooduba aheyd Markii hore Istaanka.ay Rakaabka ku Dajiyaan iyo kan ay Ka Qaadaan ee Badhtamah Faras-Magaalaha oo aheyd halka ugu halista badan ee Gaadiidka iyo Dadweynahaba Ku aheyd Waddo Xumo Shilal badan Sababi kara, iyo Waliba Diiwaangalintooda, oo Shaqo dheeraad ah la galiyay iyadoo Awal hore aan la Aqoon kareyn hadii Shil Geystaan, Waxaana siweyn xiligan looga Dareemayaa Magaalada Laascaanood eeXarunta Gobolka Sool in Hawlgalkan D/hoose ku Sameysay Gaadiidka Mootada ee loo.Yaqaan Bajaajta islamarkaana, lagaga Reystay guud ahaanba dhibaatadii ay ku hayeen Bulshada iyo Gaadiidkaba.

Magaalooyin Fara badan oo ay Dhibaatooyin badan iyo Shilal joogto ah ku hayaan Gaadiidka Bajaajtu ayaan Ilaa iyo hadda Loo maaro helin Kuwaas oo dhamaantood talo uga baahan Sida ay u Maareysay D/hoose ee Degmada Laascaanood.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...