Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo Musuqmaasuqii Wali Ku Dhex-jira

0
Tuesday December 03, 2019 - 06:03:13 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo Musuqmaasuqii Wali Ku Dhex-jira

    Waxaa maalinba Maalinta ka Dambeysa Isa soo taraya Talaabooyinka Musuqmaasuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalinba Maalinta ka Dambeysa Isa soo taraya Talaabooyinka Musuqmaasuqa
Inkastoo aaney Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Waxba kaga Duwaneyn Xukuumadii hore ee Kulmiye oo hanti-dhawrka Qaranka laga dhigay mid iskii u Magacaaban haseyeeshee, aan ka hawlgali karin Baadhistii iyo Dabagalkii hay,adaha Dakhliga Guud ahaanba Xukuumada.

Waxaa maalinba Maalinta ka Dambeysa Isa soo taraya Talaabooyinka Musuqmaasuqa oo aad moodo in ay Shacbigu ka Dhug,laayihiin Laakiin si ka badan Sidii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga Socda Dalka gudihiisa Waxaa la xaaqiijiyay, in Baanku Qeyb Weyn hadda ka yahey Xudunta Musuqmaasuqa kajira Dalka Haba ugu Darnaado Gudoomiyaha Baanka Somaliland Baqdaadi oo Toddobaadyadii u Dambeeyay cadeystey, Isticmaalka aan.loo.aabo yeelayn ee Musuqa Inkastoo ay Dad badani Wakhti Xaadirkan ka Shiki Qabaan in Loo Fasaxey islamarkaana, ay jirto Cid Awooda Talada ah oo la Wadaageysa Musuqmaasuqa Gudoomiyaja Baanku Wali gacanta kula jirro marka laga Qoyaas qaato kalsoonida iyo Badheedhaha uu Wado Qeybaha Dhaqdhaqaaqyada Musuqmaasuqa halista ah ee ka Qarsoon Shaqaalaha Weynaha Baanka iyo Maamulka Badhkii.

Lis Dairy

Hadalheyntii.u Dambeysay Ganacsatada Tog-Wajaale ayaa Maalmihii u Dambeeyay aad ula Yaabanaa Laan kamid ah Baanka Somaliland oo Miisaaniyada Sanadkan dhamaanaya kujirtey, in laga Dhiso Degmada Tog-Wajaale maadaama ay Dhinaca Itoobiya ee Daanta Tog-Wajaale ka furan yihiin Tobaneeyo Baan oo Dawllada Itoobiya leedahay iyo kuwa madaxbanaan laakiin Baanka Itoobiya hoos tagga Waxaa laga shaki qabaa oo Shacabka iyo Ganacsatada Tog-Wajaale tuhun badan ka Qabaan in Gudoomiyaha Baanku Jeebka ku Shubtey Dhismaha laanta Baanka ee Tog-Wajaale oo lagu Wadey in la bilaabi doono horaantii Sanadkan dhamaanaya ee 2019ka laakiin gabi ahaanba hadda aan Rajo laga qabin, halka Laan Yar oo Dhisme yar ka Kooban uu Dhawaan ka Dhisey Degmada Oodweyne.

Si kasta oo ay tahey, Baqdaadi Waxa uu Geed ku Xidhey Shaqadii Agaasimaha Baanka, kadib Markii uu Hawshiisa ka soo dhameystey Xaga Sare, isla markaana uu ku Koobay Shaqadii Baanka mid isaga awoodiisa ku Kooban.

Maxamed Yuusuf Jaamac
Hargeisa,Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...