Ujeedada Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Sweden Iyo Somaliya

0
Monday December 02, 2019 - 18:01:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Heshiis Ay Kala Saxeexdeen Sweden Iyo Somaliya

    Muqdisho, December 02, 2019 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, December 02, 2019 - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ,
Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Wasaaraddu la gaartay Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.



Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa isna dhankiisa ka saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.


Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.


Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey'adaha kale ee dowladda.

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Sweden #Swedish #FBA

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

 

Loading...
Loading...