Waa Kuma Masuulka Loo Wado Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Hargaysa?

0
Sunday December 01, 2019 - 23:10:26 in News by
  • Visits: 4202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Masuulka Loo Wado Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Hargaysa?

    Waa Kuma Masuulka Loo Wado Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Hargaysa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Masuulka Loo Wado Xoghayaha Fulinta Ee Dawlada Hoose Hargaysa?

Hargaysa(HWN):-Guuleed Yuusuf Iidaan(Guuleed Goohe) waa mid ka mida Macalimiinta Somaliland Gaar ahaan Hargaysa Dugsiyadeeda Mudo Dheer ka soo Shaqeynaayay islamarkaana ka Soo Noqday Maamule Dugsiyo ka Mida Dugsiyada Dawlada ee Ku yaala Caasimada Hargaysa.

Macalin Guuleed Goohe hada waa maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo ka Tirsan Dugsiyada Taariikhda iyo Magaca weyn ku leh Dalka Somaliland iyo Guud ahaan Dhulka Soomaalida,Maamule Guuleed oo ku Caana inuu Wax Qabad Xoogan ka Sameeyo Dugsiyada loo Dhiibo Maamulkooda.



Guuleed Yuusuf Iidan oo aha macalin Dhalinyaradu Aad u jeceshay islamarkaana ku Caanbaxay Maamul Wanaag iyo Akhlaaqada Qofnimo Shaqadiisana u Daacada oo Ardaydiisa iyo Macalimiintuba ku Tilmaamaan mid Cadaaliya ayaa hada la Sheegayaa in loo wado Xilka Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay oo Aad ugu Dhuun Daloola Madaxtooyada Somaliland iyo Xafiiska Wasiirka arimaha Gudaha Xiligana ayaa tibaaxaaya in Wasiirka Wasaaradaha Arimaha Gudaha Somaliland Mudane maxamed Kaahin Axmed uu Wado Magacaabista Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Hargaysa islamarkaana Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahin ay Wada Tashi Badan oo Mudo dheer socday ay isla qaateen in Booskaa Xoghayaha loo magacaabo Macalin maamule Sare Guuleed yuusuf Iidan.

Ilo Wareedkan Shabakada Hadhwanaagnews Heshay ayaa Tilmaamaaya in Todobaadada soo socda Wasiirka Arimaha Gudahu soo Saaraayo Wareegtada Magacaabista Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose Hargaysa,Kaas oo uu umagacaabaayo Guuleed yuusuf Iidaan(Guuleed Goohe).

Shacabka iyo Dhalinyarada Somaliland khaasatan kuwa Ki nool Caasimada Hargaysa ayaa Rajeynaaya in Guuleed Goohe wax badan ka badalidoono Xaalada Caasimada Hargaysa islamarkaana uu Kor u qaadidoono Muuqaalka biliceed ee Caasimada Hargaysa oo Xiligan liita .

Geesta kale Shaqaalaha Dawlada Hoose ayaa iyaguna Dhankooda Yididiilo iyo Rajo Wanaagsan ka qaba Xoghayaha Cusub ee loo soo wado iyagoo Shabakada Herermedia u Sheegay inuu Dhaamidoono Xoghayaha Hada Jooga oo ay ka muujiyeen Masuulkii ugu liitay ee Soo mara Xafiiska Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose Hargaysa.

Carqaladaha la Filaayo inuu Guuleed yuusuf waxa ka qabto ee Horyaala ayaa waxa ka mida Inuu Muuqaalka Caasimada ee dhanka Nadaafada iyo wadooyinka wax weyn ka badalo .

Sidoo kale Xoghayaha Cusub ayaa waxa Horyaala Mushaharka Shaqalaha Dawlada Hoose Hargaysa oo Mudo 4 Bilooda bilaa mushahara

Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...