Puntland oo Dallacsiisay Sarkaal La Nool Xannuun-dhaliyaha HIV/AIDS iyo Sababta

0
Sunday December 01, 2019 - 20:05:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Dallacsiisay Sarkaal La Nool Xannuun-dhaliyaha HIV/AIDS iyo Sababta

    Puntland oo Dallacsiisay Sarkaal La Nool Xannuun-dhaliyaha HIV/AIDS iyo Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo Dallacsiisay Sarkaal La Nool Xannuun-dhaliyaha HIV/AIDS iyo Sababta
Kampalla(HWN):-Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dallacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo hore u ahaa Kabtan.

Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaaladda Garoowe ayaa dhiiri-galiya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

"Waxaan maqli jiray berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan.


Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xannuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Hadhwanaagnews, Office
Kampalla, Uganda

Loading...
Loading...