"Muuse Biixi Wuxuu Sugaya In Waddani Xaal Siiyo"..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

0
Sunday December 01, 2019 - 15:10:46 in Articles by
  • Visits: 2423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Wuxuu Sugaya In Waddani Xaal Siiyo"..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

    "Muuse Biixi Wuxuu Sugaya In Waddani Xaal Siiyo"..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Wuxuu Sugaya In Waddani Xaal Siiyo"..W/Q Maxamed Haaruun Biixi


Geesi Muuse Biixi. waa kaas qalaylka uGu xiiray. Hadda Madaxwaynuhu wuxu sugayaa in xaal loo keeno mudadii lala murmaayay, isla markaana, Waddani ay ergo soo dirtaan, oo si dhab ah loogu baryo in xubintii commission ka ay ku lahaayeen laga ogolaado in uu haatan iska soo fadhiisto. Commissionka cusub kuraastoodu waaba lix uun, laakiin hadii ba la ogolaado wuu iska taagnaan karaa xubinta soo habsaantay. Hadii taagnidu aanay anfacaynin, amaba ku adkaato mararka qaarkood, wuuba iska maqnaan karaa – commission ka cusubi waa kii uGu daacadsanaa, ee loogu kalsoonida badnaa taariikhda inta la hayo, sidaas darted xubinta aan joogin waa loo soo sheegayaa sida shaqadu u socoto, ama idaacada ba waa ka dhegaysan karaa. Laba sanadood ka dib, commission ku waxa ay qaban doonaan doorasho hufan, oo la filaayo in ictiraafkii ba ay sabab u noqoto, taas oo ka dhici doonta Gebiley iyo Caydaroosh, iyo Caynaba iyo Garadag.

Madaxweyne Muuse Iyo Dr Cirro Mid Kee Gardaran?




Hadiiba ay dhacdo in aanay cidi ku kalsoonayn Gudigga Riyo-raac, (maba jirto runtiiye), amaba ay dhacdo in la dhaliilo dorashada soo socota, (maba dhici doonto runtiiye), waxa idaacadda qaranka looga saari doonaa heeso xoog u macaan, ooxikmaddi ba ku idishahay, kuwaas oo fariin cad u diraaya qaran dumiska, waxaana ka mid ah:


  • In kastoo loo baaqo;
  • Oo loo sheego barwaaqo;
  • Dad bay meeli bugtaa;
    Bugtaa, dad bay meeli bugtaa.

iyo

-Durduro geel baa ku jaba eey;
– Damaacina waa xunyahayeey;
– Dantu na waa lama huraan;
– Dantu na waa lama huraan.

Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...