War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa.

0
Sunday December 01, 2019 - 14:03:53 in News by
  • Visits: 8751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa.

    War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa.


WAREEGTO MADAXWEYNE: 01/12/2019



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-387/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:


Wareegto Madaxweyne


Ujeeddo: Xil Ka-qaadis


Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax


Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;


Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka


Ku: Cismaan Aadan Jaamac, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska


Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka


Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda


Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.


Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;


Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;


Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;


Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:


1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka


2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.


3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.


4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.


5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.


6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.


7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.


8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.


9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.


10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.


11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka


ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.


Loading...
Loading...