Bashooy Basar Xumidaa Ma Soomaalibaad Tahay

0
Sunday December 01, 2019 - 13:59:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bashooy Basar Xumidaa Ma Soomaalibaad Tahay

    Abwaan xasan sh muumin isagoo sawir guud ka bixinayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan xasan sh muumin isagoo sawir guud ka bixinayaa
Soomaalida ayaa wuxuu ku tusaaleeyay Bisada . Bal hadaba bisadeey maxaad tahay, dhaqan noocee ah ayaa idinka dhaxayn kara adiga iyo soomaalida? Si aynu jawaab ugu helno ugu horay aynu eegno bisaday dhaqankaagu waa noocma,hadaba marka aad kulantaan geedaas ee tidhaa maxaa lagu yidhaa waxay ku odhanasaa basho ayaa la i yidhaa,waad dhaafasaa mid kalaad u tagasaa waxay ku odhanasaa waxa la i yidhaa Bisad , tii saddexaad ayaad u tagasaa waxay ku odhanasaa Makulaal ayaa la i yidhaa,waad dhaafasaa ta ku xigtaa waxay ku odhanasaa yaanyuur ayaa la i yidhaa,waad dhaafasaa maxaa lagu yidhaa dinid baa la i yidhaa,sidaas u socoto aakhirka ayey ku odhanasaa yaaw ayaa la i yidhaa.


Waxaan uga soconaa qormadan siyaasadda soomaalida ayaa la cayn ah bisadaas kolba halka ay ku nooshahay/sugantahay magaca gaar ah ku leh.


Waxaynu u soo joognay madaxwayne Muuse biixi oo ina cigaal (AHN) ku eedaynaya inuu kuraastii dawladda uu beeshiisa siiyey boosaskii u muhiimsanaa kolay nabsi ma baaqdoo adoo baahan la arkee waxaynu maanta joognaa madaxwayne muuse oo isla dhaleecayntii shalay uu bixiyey ay maanta dul hoganayso.


Waxaynu u soo joognay madaxwayne muuse oo Daahir riyaale ku eedaynaya inuu komishanka doorashooyinka uu isagu u maamushay siduu doono kolay nabsi ma baaqdoo adoo baahan la arkee isla tii ayaa maanta madaxwaynaha lagu eedaynayaa.


Xoghaye Ramaax ayaa xilligii ololihii dadwaynaha reer burco meel fagaare ah ugu sheegay inay doortaan Muuse,oo muuse maanta ku haboon yahay kursiga ugu sareeya dalka ee laga xukumo wakhti yar ka dibna wuu ka soo horjeestay waxaanu sheegay inaanu muuse muusihii ahayn kulmiyanaa kulmiyihii ahayn.


Hogaamiye Xirsi wuxuu hore uga tirsanaa xisbul xaakimka isagoo jagooyin muhiima ka soo qabtay xukuumadii madaxwaynihii hore ee Axmed Siilaanyo maantana  waa waddani waanu eedaynayaa gurigii uu shalay galayey.


Khilaafkii labaatankii sanno ee ugu dambeeyay taagnaa wali wuu taagan yahay wali lama xallin ee waxa lagu furdaaminayey uun isu tanaasul waxa kaliya ee is beddelay waa magacyadii muuse shalay muuse ayuu ahaa maantana waa madaxwayne, xirsi shalay wasiir buu ahaa maantana waa hogaamiye xisbi, ramaax shalay badhasaab buu ahaa maantana waa xoghaye xisbi.


Wali Bisadii uunbaa kolba inala meeraysanasa oo kolba magac inoola baxasa.

WA BILAAHI TOWFIIQ

QALINKII: Mukhtaar Xasan Axmed(dhexdhexaad)

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...