Awr Gaal Nabar Uu Og-Yahay Kuma Gagabo ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday December 01, 2019 - 08:28:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Awr Gaal Nabar Uu Og-Yahay Kuma Gagabo ( Abdi-Shotaly).

    Haddii xumaanta iyo cariig-siga la door-bido, wax kale kama dhashaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii xumaanta iyo cariig-siga la door-bido, wax kale kama dhashaan,
oo aan ahayn gacan ka hadal, foodda oo la isla galo, waran-waran ka hor gee, kaas oo ku dambeeya, in xaalku noqdo " Dooni yahay waa kugu wadda jirnaa nala jab. Maalin kaste iyo cadceed soo baxda-ba wax kaa yaabiya, oo faraha dhegaha la sii geliyo mooyaane, maamulka askarta wax kale kama taliyaan, sideeda-bana waa laga faliyey ( Ilayn umaba ay dhalane), umana jeedaan wax hagaajiya, ee waynu isla og-nahay in ay u boobeen food-kaba aad hanti ku hesheen iyo dhul boobe. maanta maxay odhan kuwii lahaa wax baanu dhex ka nahay, ee dhinaca ka rarnaa, dhanka kale-na u laba wejiilay-naayey? Kuwa aan sheegayaa waxa weeye. Qaar maalmahan-ba ummadda isu tusaaayey in dhex ka yihiin, oo ku andacoo-naayey, waxan wax ka qabanaynaa, Komishan ku sheega xaaraanta ah, ee labadda askari, daba-dhilifya-doodu iyo oday tiisii u il darani oo ku hor kaaja Guurtidda, kaas oo hor illaahay bes u taaqan, kuna jira wakhtiggii asaasaqa, oo haatan caruuroobay. weliba aan sidaas ku beded qabin, isugu darmeen cuqdad iyo colaad beeleed, weligiina aan daacad ka noqon, ee meel iskaga baydh ahaa. intii magaca Somaliland ee la basaday-ba uu jiray. ahaa kii dagaalka burco geliyey 1994kii ( dagaalkii maryo alool). sidaas iyadda oo ah, bal maantana heshiiskii ay askarta iyo isagu wadda galeen halkan hoose ka akhri, iyo halka xaal maraayo.


Odhaah baa waxay ahayd " Qudhaanjooy naa ku quuso, Somaalay wax ku qaado'e", Ummad yahay, hadhaw bay odhan layma heesin, laylama hadlin, doob hurday helay, oo ujeedadu tahay, haday kuu qudhu-qudh-samayso iyo hadii kale-ba, maanta baa iilka si wanaagsan loo dhigay, awel xabaasha bay dul taalay Somaliland. Waad ogaydeen in kuwo gudi ahi u tageen Madaxdda Ururka Ucid iyo Xusbiga Waddani, oo ay ku yidhaaheen, waxanu wax ka qabanaynaa, arimaha ay isku hor  fadhiyaan Maamulka cagao jiidka ah ee " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani" ay cunaha kala gooyeen ab-laydda". gudi ku sheegaasi, waxay la Shireen kuwa beelaysan, ee ka tirsan kooxaha jeegaanta ku ab-tirsadda, oo aan biyo is marin, ah qaar aan daahirin abid-kood, oo ay u soo xusheen in mar kale u boobaan Foodka. Hadaba, iyadda oo la isla ogaa in aanay is dooran inta ay xal u helayaan arimaha la isku hayo, ee uu kaw ka yahay Komishan ku sheega Cusub ee askarigu wato. Muwaadin bal in ay munaafaqad tahay iyo badh, wixii ahaa Culumo, Ganacsato, siyaasiyiin qaar sheegta, odayaal, salaadiin, dheg looma jalaq siin, ee waxay ku dambeeyeen murtiddii ahayd " Habartu ha iska haw-haw-laysee heeladda inoo tuma. saw markaa badheedh cad maaha, oo wixii la isla ogaa, halkaa Kuma ay ban-jarin? Hadaba kuu dhiibanaye yaa la eersan doonaa? Maxay-se gudi ku sheegtii haatan la shir iman doonaan? ee ay ummadda iyo mucaaradka la hor tegi doonaan?

Arinta saaka dhacday, Wax ay ka bedelayso mawqifkii Mucaaridka ma jirto, ee bal cidda ku maalaysaa ha ka jaqdo dhiiga tifiq leh. Waxa la yidhi " Awr gaal nabar uu og-yahay Kuma gagabo'e,  waa laga filaayey, waana la ogaa in ay sidaas u dhacayso, kuwa dhexdda sheegana-yaana, awel-ba Waddani iyo mucaaridka ku qaboojiya bay is lahaayeen, oo wakhtiga kaga haleeya baa durbaan-koodu ahaa, waana laga war qabay in aanay wax-ba soo wadin. Saakana maxay sheegi rabaan? Nin-ba ceesaantii ceel keenye, waa ka ayse uga cabtaa, Waa arkey-seen Kii ururka Ucid ugu jirey, ee lahaa wax baa la ii dhaariyey, wuxuu kaga hadlaayowar-baahinta, wixii saaka dhacay iyo siday u socdeen ee loo watay, oo uu leeyahay waxa laga baxay heshiiskii aanu la galay 17ka xubnood ee uu ku sheegay dhex bay ahaayeen, oo aan loo joojin iyo doorasho gacan ku rimis ah oo la soo maamushay, Amarna uu ku soo bixiyey, kan Guriggii moorgan xaaraanta ku dhuuqaa " Xaafad-tooyadda". Isba waayaabe, haduu diidan yahay, oo daacad ka yahay qudhunka faraha lagula Jiro, miyuu ka baxo, hadana isaga oo dhaliilaaya, buu misana ku leeyahay wadda shaqayn baa naga dhaxaysa. Xagee baa ciyaar-taas laga dheelaa? Ma circa mise meel kale, waxan isna leeyahay, doc isugu baydh, oo jooji "beerka jecliyaa xaydha jecli-yaadda" hadaad wax diidan tahay in aad bartaas kaga baxdo bay ahayd, laakiin waxad ku jirtaa " Dhuumasho uu dhabarku muuqdo. Diid iyo yeel wixii ka dhaxeeyaa waa yac-yacood, ee qaydhin iyo bisayl mid uun soo raaca. kolba jenbi lama dhigo'e.

* N.B Nin-ba Ceesaantii Ceel Keen!
Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...