Maayerka Gabilay Oo K Hadlay Qorsheyaasha Waxqabad Ee Ay Saannadka Cusub Bilaabayaan

0
Sunday December 01, 2019 - 08:18:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayerka Gabilay Oo K Hadlay Qorsheyaasha Waxqabad Ee Ay Saannadka Cusub Bilaabayaan

    Gabilay (HWN):- Maayerka Degmada Gabilay ahna guddoomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabilay (HWN):- Maayerka Degmada Gabilay ahna guddoomiyaha
golaha deegaanka degmada Gabilay Maxamed-ammiin Cumar,ayaa ka hadlay qorsheyaasha sannadka cusub u dejisan ee ay doonayaan in ay ku tallaabsadaan iyo waxqabadyada ay u soo kordhinayaan Bulshada.

 

Waxaanu sheegay in ay mudnaanta koobaad siinayaan iskuul farsamada gacanta ah,dugsiyo hoose iyo dhexe oo ay soo kordhiyaan iyo mashaaric kale oo ay ka hir gelinayaan deeganada ay degmadu xukunto,kuwaasoo isugu jira dhismeyaal waddooyin iyo qalabaynta xafiisyo hore.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in afarta xaafadood ee degmada Gablay ay ka kooban tahay in ay ku soo kordhin doonaan xafiisyo isla markaana ay qalabayn doonaan.

 

Waxaanu sidaa kaga dhawaaqay kalfadhigii 19 aad ee golaha deegaanka degmada Gabilay oo shalay  qabsoomay isla markaana lagu ansixiyay miisaaniyad sannadeedka 2020-ka ee degmada Gabilay.

Maayar Maxamed Amiin ayaa kamid ah maayarada ugu Firfircoon Somaliland isagoo mudadii uu xilka maayarnimada Gabilay hayayna ku talaabsaday guulo wax ku oola.


Loading...
Loading...