"Muusow Hadaad Somaliland Ka Dooratay Ina Riyo Raac Geellaaga Hakuu Raaco Ee Adiguna Is Casil"….Siyaasi Barkhad Jibriil

0
Saturday November 30, 2019 - 22:18:03 in News by
  • Visits: 3459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muusow Hadaad Somaliland Ka Dooratay Ina Riyo Raac Geellaaga Hakuu Raaco Ee Adiguna Is Casil"….Siyaasi Barkhad Jibriil

    "Muusow Hadaad Somaliland Ka Dooratay Ina Riyo Raac Geellaaga Hakuu Raaco Ee Adiguna Is Casil"….Siyaasi Barkhad Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muusow Hadaad Somaliland Ka Dooratay Ina Riyo Raac Geellaaga Hakuu Raaco Ee Adiguna Is Casil"….Siyaasi Barkhad Jibriil


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Barkhad Jibriil Faarax oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay xaaladaha murugsan ee Muuse Biixi galiyey somaliland.

Natiijada sawirka barkhad jibriil


Siyaasi Barkhad Jibriil ayaa qoraal uu soo saaray oo Hadhwanaagnews soo gaadhay waxa uu kaga hadlay sida Muuse Biixi ugu tuntay sharciyadii u dajisnayd somaliland isla markaana uu uga dhigay mid ku dhisan kaligii talisnimo uu ku dhaqmayo.


Siyaasi Barkhad Jibriil ayaa si adag uga hor yimid guddida cusub ee doorashooyinka somaliland kuwaas oo uu  ku tilmaamay guddi dhinac ka raran oo u adeegaysa Muuse Biixi.


Qoraalka siyaasi Barkhad Jibriil ayaa u dhignaa sidan:-


"Muuse Biixi waxa uu madaxweyne ku ahaa oo lagu aqoonsanaa waa sharciyada dalka , haddii uu sharicigii ku tuntay oo uu soo dhaafayna isaga ayuunbaa wax is yeelay ee cidna waxba muu yeelin, somaliland-na burburi mayso ee adiga ayaa iska tagi.


Muusow waxa muuqata inaad Cabdirashiid Riyo Raac ka dooratay somaliland iyada oo ay kuu banaanaayeen fursado kale oo aad wasiir ama meel kale ugu dhiiban lahaydna maad yeelin waxaanay u muuqataa maanta in arinkaagu soo dhamaaday oo madaxweyne-nimadaadiina aad adigu soo afjartay, waxaanan kugula talin lahaa inaad is casisho inta aan shacabku ku casilin, Ina Riyo Raacna geellaaga iyo adhigaaga u diro inuu kuu raaco.”


Siyaasi Barkhad Jibriil oo qoraalkiisa sii wata ayaa fariin u diray xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland waxaanu yidhi "Xisbiyada mucaaridka ahna waxaan kula talinayaa inay dalka bad baadiyaanninkan Muuse Biixina umada ka qabtaana, doorasho uu qabanayaa ma jirto, sharciyad la dhawrayaana ma jirto, asxaab la dhagaysanayaana ma jiraan, shacab la xaq dhawrayaana ma jiro, arinka uu wado la qaata, guddida dhex dhexaadintuna waxaan u arkaa inay tahay irbad suuxdin ah lagu mudayo xisbiyada mucaaridka ah, inta ay guddidani soc socotayna waataas la dhaariyey nimankii lagu sheegay guddida doorashada ee waliba ina Riyo Raacii laysku haystay gudoomiye looga dhigay ee ta uu muuse doonayana halala qaato oo kala noqda kalsoonidii madaxweynenimo, dalka u sameeya dawlad ku meelgaadh ah oo wadaag ah taas oo gaadhsiisa doorashooyin soona celisa sharcigii iyo kala dambayntii dalka."



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...