Wasiir Faratoon Iyo Wasiir Sacad Oo Jawaab Ka Sugaya Kornayl Muuse Biixi

0
Thursday November 28, 2019 - 22:34:36 in News by
  • Visits: 6649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Iyo Wasiir Sacad Oo Jawaab Ka Sugaya Kornayl Muuse Biixi

    Wasiir Faratoon Iyo Wasiir Sacad Oo Jawaab Ka Sugaya Kornayl Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Iyo Wasiir Sacad Oo Jawaab Ka Sugaya Kornayl Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Wasiirada maaliyada Sacad Cali Shire iyo wasiirka arimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon) ayaa go’aan ka gaadhay inay ka sii mid ahaadaan xukuumada Muuse Biixi.


Labadan Wasiir oo miisaan ku leh xukuumada laba jirsanaysa ee uu hogaamiye Muuse Biixi Cabdiayaa haatan ka niyad jabsan inay ka sii mid ahaan xukuumada talada haysa.

Natiijada sawirka faratoon iyo sacad


Wasiirka horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire ayey Muuse Biixi isku khilaafeen arimo ku saabsan miisaaniyada dawlada, iyada oo warar ay Hadhwanaagnews heshay sheegeen in Sacad Codsaday in la abuuro mashaariic maalgelin dibadeed hela oo dhaqaalaha ka soo xaroonaya uu qayb ka noqdo miisaaniyada kaas oo uu ganafka ku dhuftay Muuse Biixi taas oo keentay in wasiirka maaliyadu ku wargeliyey inaanula shaqayn karayn isla markaana uu ka codsaday inuu cid u soo magacaabo wasaarada isaga oo Muuse Biixi ku wargeliyey inaanu iska casilayn xilka si aanay sawir qaldan uga bixin xukuumadiisa.


Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire oo xilal kalana u hayey Muuse Biixi ayaa ilaa haatan sugaya masuulkii badali lahaa ee uu ku wareejin lahaa xilka uu hayo kaas oo uu soo magacaabi doono Kornayl Muuse Biixi.


Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada Yaasiin Faratoon ayaa dhankiisa Muuse Biixi u sheegay inaanu sii hayn Karin xilka wasaarada isla markaana uu xilkan banaynayo isaga oo u gudbiyey warqad is casilaad ah oo uu kaga tagayo shaqada wasaarada arimaha dibada balse Muuse Biixi ayaa ka codsaday inuu xilkaas hayo inta uu cid kale u soo magacaabayo taas oo ilaa maanta la sugayo.


Muuse Biixi ayaa u muuqda hogaamiye ku haftay talada dalka isla markaana ay ku baahday masuuliyadii uu qaaday, waxaana ilaa hada la dhawrayaa isku shaandhayn waayadii ugu dambeeyey la sheegayey inuu ku samaynayo xukuumadiisa.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...