GEED SARE WAABIDA KULMIYE-W/Q:-Aniis M. Ismail
Maanta oo ay Bishu tahay 25/11/ 2019 oo laga joogo mudo ah 2 Sano iyo 12 Maalmood Maalintii loo dareeray Doorashadii
Maanta oo ay Bishu tahay 25/11/ 2019 oo laga joogo mudo ah 2 Sano iyo 12 Maalmood Maalintii loo dareeray Doorashadii Madaxwaynanimada.
Waxa la dhaariyay Komishinkii laysku haystay ee Asxabta Qaranku ka biyo diideen ee ay yidhahdeen Dhex-dhexaad ma noqon karo Komishin Xisbi ka tirsani . Taas oo muuse iyo maamulkiisu dhagaha ka furaysteen.
Haddaba, Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland waxa la soo darsay Mugdi aad u madaw badan oo u eg Saansaan aan sifihiisu fiicnahay nidamka ka shaqaynayaana aanu ahayn mid caafimaad qaba oo u muuqda in uu mustaqbal ugu maqan yahay Shacabka iyo Qarankaba la mahadiyo si loo gaadho hadafkii loogu jiray geediga ee ahaa Jamhuuriyad Hana qaada oo Bulshadu ku faanto.
Waxa isa soo taraya oo aad midba mid ku iloobaysaa xaalada uu Dalkeenii marayo waa Somaliland'e oo Maalinba Maalinta ka danbaysa Shacabkii Somaliland ay Dhakafaar iyo Dhabano-hays Dhafooradu la goteen Maamulkan Kulmiye sida uu wax u wado iyo halkay hawshu marayso. Waxaanu u eg yahay in uu Dhabada uu cagta saaray ama hayaa ay tahay tii Kali-talisnimada oo ay u dheertahay Axmaqnimo iyo Tacadi (Dictator, Tyranny and oppressive).
9 Sano ee u danbaysay Labadii maamul ee isaga danbeeyay Waxay Somaliland dhaxalsiyeen
In Bulshada la tuso in aan sharci iyo wax wada lahaansho shaqayn ee sidii la doono la yeeli karo, waxa ka mid ah waxayalaha aynu ka baranay ama xusuus ku reebi kara qalbiyadeena
1. Eexda iyo Qabyalada
2. Dhaca iyo Boobka
3. Wax wada lahaansho la'aanta iyo Is-dhaafinta Bulshada
4. Kala qo-qobka iyo kala qaybinta.
5. Xaraashida hantida qaranka iyo Tuugada.
6. Caadaysiga Xaaranta iyo Sharci jabinta.
7. Dilka iyo Xadhiga
8. Colaadaha iyo Is-Bara kicinta Lagula wareegayo Dhulka muwadiniinta.
9. Is-weerarka Beelaha dhexdooda iyo Is-dilka Dadka Rayidka ah.
10. Iyo wixii la hal maala
Ficiladaa oo ah facaa'il aad u liita una horseeda Bulshada iyo Qaranka in ay ku keento Dib u dhac kaga yimada noloshooda saamayna ku yeelata mustaqbalka Ayahaha Bulshada kuna keenta Ragaadin dhan walba ka soo food saarta. Abni ahaan , Caafim ahaan , Baro kac ahaan iyo Colaad ahanba.
walow Aan Illaahay inooga baryayo Ka Shacab ahaan in aaynaan ku dayan ama aanay Dhaxal inoo noqon Mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba dhaqankaa xun ee Kulmiye ama Dulmiye ku shaqeeyo.
Waxa hadaba Bulshada Somaliland is-waydiinayaan intee in leeg ayaa la sii eegan karaa Maamulkan Raagadiyay Somaliland ee u horseeday dhabadan aan ahayn tii lawada lahaa ee lagu heshiyay 1991 oo ahayd Sinaan iyo Cadalad. Meeday Somalilandtii lagu adkeeyay Daboolka ee Dahaadhka adag lagu giijiyay inta weliba lingax loo raaciyay ee la rabay in laga dhigo Dal Dimuqraadiyad ah oo Aduunka la Jaan-qaada iyo Bulsho mahadisa oo kaga soo doogta Dawladii Somaliya ee lala galay Dagaalka iyadoo la raadinayo wax dhaama.
Waxay u soo muqataa maamulkani in uu ku guulaystay :
•Dib u dhac Bulsho
•Qaran dumis
• Sharci jabin
• iyo Ictiraaf baabiin.
Waxa hadaba Shacabka Somaliland ka war sugayaan cidii u ahayd Ehelka soo Af-jarida xaaladahan soo cusboonaday ee ah Indho-la'aanta uu ku kacayo Muuse iyo Maamulkiisu, Waxaanay Naawilayaan ka hortaga Nidaamkan ay shakhsiyadka gaarka ahi rabaan in ay Abuuraan oo aad moodo in ay ugu talo galeen in uu cid gaara u shaqaynayo oo ah Kali talisnimo.
Waxaynu u baahanahay in aynu ka hor nimaadno Nidaan kasta oo yidhaa ANIGA OO AAN ODHAN INAGA IYO NIDAAM KASTA OO U ADEEGA CID GAARA EE AAN U ADEEGAN BULSHADA. YEELIMAYNO NIN YIDHAA ANIGA WAXAYNU U BAAHANAY HOGAAN YIDHAA INAGA.
Midawga DHAQ-DHAQAAQA DIMUQRAADIYADA Somaliland
Allah mahad leh
Anis M Ismail.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...