Tix Yar Oo Gaaban Oo La Magacbaxday Ila Meerayso

0
Monday November 25, 2019 - 19:11:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tix Yar Oo Gaaban Oo La Magacbaxday Ila Meerayso

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Dhammaantiin bahda Hadhwanaag iyo akhristayaasheedaba waan idin wada salaamay.

Halkan waxaa idiinku soo gudbinayaa tix yar oo gaaban oo la magacbaxday ila meerayso, taas oo wax ka odhanaysa xaalada dalku marayo. xagga qabyaalada, madaxda, xildhibaanada golayaasha iwm
Tixdan si qaab hees ah ayaan u sameeyey waanay u fasax tahay ciddii laxan saarta kuna luqaysa.


ila Meerayso waxay tidhi sidan:


Ummadyahay qabiil

Muska loo marshee

Lana kala miree

Kala maagtayee

isku muuqataa

 

Madaxiyo mijii

kala muuqanee

murankuun taqaan

goormaad mudh odhan

 

Kaan madax bidee

Maamuli lahaa

Mansabiyo lahaa

Meeqaanka sare

Mar hadduu i mee

meeraysi galay

 

Ila meeraysaan

Ka dayaa miciin

Ma sameyn micnee


Ummad maamulbaan

Kuu magansanoo

Madax kaa dhignee


Mas’uul baa tahee

Haysku kay malmalin

Miduun baan idhee

 

Nabad waa macaan

Noloshana u mudan

Kii masuugayee

Kana  mooganee

madow madow gashow

Maangaab inaad

Ku munaasab tahay

Iyo macangagii

Muran baan ka jirin

 

Xildhaanka mamay

Meeshuun ku dhegay

Mooshinada sugaa

Kordhin kama dhergow

Maalin qayil darteed

Ummaddii ku maqan

Miyirkiisii mee

 

Ila meeraysaan

Ka dayaa miciin

Ma sameyn micnee


Ummad maamulbaan

Kuu magansanoo

Madax kaa dhignee


Mas’uul baa tahee

Haysku kay malmalin

Miduun baan idhee    

Waad Mahadsan tihiin

Cali Axmed Xaaji
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...