Aagaamaha Ka Sii Dhaansadda Maalin Dhaw Ma Urin Doon-taane ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday November 24, 2019 - 16:47:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aagaamaha Ka Sii Dhaansadda Maalin Dhaw Ma Urin Doon-taane ( Abdi-Shotaly).

    Ilaah ha u naxariisto'e, Xaaji Aadan Af-qalooc baa wuxu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaah ha u naxariisto'e, Xaaji Aadan Af-qalooc baa wuxu yidhi
Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dheregye, Kaba-Tole Xafiis Loo Tirshoo, Tolan Madaw Jeexday, Haduu Taladda Teel-Teel U Dhigo, Taasi Yaab Ma laha'e, Nin Waliba Halkii uu Turqaday, Taabka Ku Adkeeye" bal tan hoosena u fiirso, adba shaarubaha iyo xiribaha baa ku cadaane, hadaad hablaha tihiina bidaar baa idinka soo bixi doonta'e. Qaasimna wuxu yidhi ( Allaa Yarxamo'e), Hashii aan intaa-iyo-intaa, oon la daba joogay, iriday istaagtaba hashaan uga adeegaayey, hashii markuu adhigu jabay, aan adhaxdana u quutay, ardaa boodhle mooyee hashaan, aqal ka dheeraaday, hashii aan axmaar iyo kufriga , uga unuun gooyey, waataa ilmaha loogu xidhay, geed adaahiyaha, olol-keedu waa ii baxaa, oogta waaberiye, afar-teedda naas baan lahaa Ubadka gaadh-siiye, oon iyo haraad waa waxay, la alwanay-saaye, Imikay abaar iyo dhul baas u amba-qaadeene, aagaamaha ka sii dhaansadda, maalin dhaw ma urin doon-taane.

 
 Akhristaw waa qisooyin yaab lehe, " Adiguba qiyaasoo, meel qasaare uu yimi, qudh baxeen caruurtii, qurux baan ka deyayaa, qiilkee baneeyoo, oo ay ku qorantay yaabnaye,  amuurtani qal-dhebaysaa, qaradeedu weynaa, Qalwaddii mas baa galay ( Waa raggii ma aidgaa ka hadhaye), Qodax baase hoos taal ( Geenyo shaaximan), Faras qaayahiisii qurux buu ku doorsaday ( saylici), Quule Quudhsiggii diid ( Jano Ka bood Samaale), Qarndidu  wax soo quftay (Af-dulaaq) Bakaylay ku qadhaa-bataayoo ( Gaafaadhi) soo wabo tidhaahaa, Maatadaan qadaynoo, UUs buurna uu Cunyey ( Solteko)  Qarashkii wadooyinka, weli rag baa qamaamoo, buuraha qotadda dheer, ka arkaayo qiiqoo, qarka soo jafaayee (  waa Maxamuud Xaashi beenaale), oo isna quud daraynaaya in uu noqdo  Gudoomiyaha Qudhmiye ee ku xiga askariga, oo leh eega waa taa laga dhaqaaqay Ina Biixi ee Waddani Loo galaye, ha arko siilaanyo ninkii uu u af-duubay Kulmiye), qasnadiina lala dhoof, Ma Cas-Casa Qasuumadi! Qasantaye maxaa hadhay? Lagu madhi qalaylkii, Sawtan qiiqu baxa-yaba, Muxuu daba qaban mucaaridku? Muwaadin, adba waad yaabiye, bal hadda intan hoose ila akhri, in aad gacmaha dhafoorka saari waydo iyo in kale. Damber-keedi maan-deeq nimaan doonin baa dhamaye,  Dulin baa ku kacay oo hashii, madhiyey diirkiiye, waa dawlad xumo waxa hayaa, dakhara-deediiye, imikay la dalan-doolaysaa, gaajo aan dawo lahayne.Waxa dib u soo noqonaaya, " Dhagax Tuurkii Lagu Sameeyey Af-la-Haarkii Hore", ma is tidhaaheen, Shalay markii la liqay, dekeddii, dhulkii danta guud, xaraashkii daarihii ummadda, lagu kala tegay hantiddii ummadda, ee xataa maamuladdii shicibka ahaa, ee ilaa lixdankii jirey daayoo, kii Dalqa-weyne uu ka talin jirey keliggii, wixii uu ka xishooday, baa dabadda loo qabtay, la dhameeyey, baa maanta loo soo degsaday,  In madaxdii Xusbiga La xidh-xidho, oo la yidhaaho car juuq dheha.


Ka Amaanka loo dirtay waa Geenyo shaaximan oo cuqudad garxajis la yidhaahaa beerka iyo iyo boga googooyey, geeriddii nebiga aan ogayn, sidda ilmo yar  uu amar u siiyo askariga kale. waa wasiir ku sheega arimaha gudaha'e (  waa diiriye oo shicibka buu kicinayaa ) markuu meel walba RRU u diro, wuxu ku jiraa halkii Askariggii Mareexaan ee la odhan jirey Gaani, kaas oo kicin jirey dadka, oo loo bixiyey "
Diiriye",   wuxu hayaa shaqadiisii, oo shicibka buu guubaabinayaa, oo ka soo hor jeedinayaa Maamulka maafiyadu dhaxashay, oo faa'iido bay u tahay mucaaridka, ee halkaa ka wad baanu leenahay. meel walba madaxa iskaga duub. Waxa intaa dheer muwaadin, Meel geeri caruureed taalo, oo dhaawaca shicibku faraha ka baxay, shuban iyo macaluyul daraadeed,  oo ah meel hayaay ka baxayso, hoogay qaylo ka yeedhay, sicir barar hoganaayo, uu ku hoobtay dadkii, haadku uu faganaayo, haweenkii maradoodda iyo  dhiigu dooxyadaa  hirdamaayo, madaxdda Waddani ee Runta sheegta ha la xidho, waa nabsiye, inta  uu u yeedhay ka Warabahainta, oo uu ku yidhi Af-dulaaq, Weriyihii runta sheega Xidh, una kala tiri Cirro Iyo Waddani, cad-quudheedka la siiyona , kolba reerka isku day in aad ku kala jebin karto ( Laakiin taasi u suuro geli wayday) waana lays gondo og yahay, isaga iyo ina Askariga, Beenaalaha madaxtooyadda inta amarkiisa, maato  gurya-hooddii lagu weeraray, oo ubadkii ay baradhadda suuqa ay ku iibinayeen, ay ku korinayeen, lagu laayey rasaas, ama saq-dhexe loogu daatay. ama qabyaalad awgeed  guriggii looga saaray agoon aabohood dhintay, siddii Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland, oo aad la socoteen, in xataa faraha dagaal loola tegay Hooyaddii agoonta la silcaysay, habeenka oo badh tegay debedda loo qubay, weli hore-na umaynu maqal, dib-na fili-maayo in ay ina soo mari doonto,  ee bal adigu wax ku sheeg muwaadin.
 
 Waxan ku soo dabray qoraalkan, Aduun-yadda Nin noolaw maxaa aragti kuu laaban! Nin awood ku faaniyo maxaa ummadan kala haysta, waxa uuse yidhi Abwaan Qaasim ( IHN)  Tixddii Maandeeq, oo ka mid ahayd beydad-keedda,"
 Mar uun buu daboolka iska rogu, doob la quudh-sadaye, diriyadda habaaska ah, mar baa doog ka soo bixiye, dabar-kiyo hogaankiyo mar baan, diidi keenada'e, xaqay-ggii la duudsiyey mar baa, doono lay odhan, dib-jirkiyo mar bay reer miyigu, daasadaa qubiye. dambarkeedda maan-deeq mar baa, loo dabaal degiye, iska doogsin cararaay, mar bay daydo noo curane"

   * N.B Qalwaddii Mas Baa Galay, Qodax baana Hoos Taal!

Qore:- Abdi-Shotaly.           

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...