Doobi Haddii U Buuxsamo, Inuu Daatanaw Dhaw, Digniin Weeye Maansadu.

0
Sunday November 24, 2019 - 10:39:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doobi Haddii U Buuxsamo, Inuu Daatanaw Dhaw, Digniin Weeye Maansadu.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-HADDANAY DAWLADENII,DOONAYNIN NABADOOY,

DEGENAASHO DIIDOOY,HORSEED TAHAY,DAGAALO,

WAXAY DUMISO MOOYE,DANAYNAYNIN QARANKII,

DADKABA AAN SU’ALE,TOLOOW YAY U DARANTAY.

 

2-HADDII DOOBI BUUXSAMO,INUU DAATANAW DHAW,

DAERJADA KA HAYSTAA,MA DAREEMO BAAHIDA,

DUGSOON RUUXA SEEXDA,INUU DAKEEYO MOOYE,

DILALYADA QABAWIYO,DIBJIR MIYU OGSOONYEY.

 

3-DULI MADAWGU WEEYO,DAAD WARARAC WEEYAAN,

DIBA UMA XASUUSTAAN,WAX DARAATO SOO MARAY

DULCADIYO JINEEFIYO,DAROOR MIYAY ILOOBEEN,

NIMCADA DAADINAYSAN,DOOBIR MAY KU IMANINE,

 

4-DIRICYAA GODKAW GALAY,DUUL KA SOO BADBAADA,

BARWAAQADA DERDERAYO,DIIDAN WADA JIRKEEDOO,

DEEQDAA EEBBE SIIYIYO,NIMACADII DAADINAAYOON,

DAWGAL WAA BILAAYEE,AANU DAAYA LEENAHAY.

           ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...