Wixii aad Saadsataaba Waa Wax Kugu Soo Maqan.!

0
Sunday November 24, 2019 - 10:37:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wixii aad Saadsataaba Waa Wax Kugu Soo Maqan.!

    Jillaagii caanka ahayd ee reer Masar ee lagu magacaabi jiray Wadiid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jillaagii caanka ahayd ee reer Masar ee lagu magacaabi jiray Wadiid
Xamdi ayaawada wadal dhex maray isla jillaagii kale ee la odhan jirayKaamiiliya, xilli ay kugudajireen jillida filimkacaanka ah ee lagumagacaabo: " ﻗﻤﺮ14 ".


Waxa ay ku tidhi Eebbe waxa aan kaaga baryayaain aad dhimatid adigaoo gubanaya. Tii kalena waxa ay ugu jawaabtay, adna waxa aan Illaahay kaaga baryayaa in aad dhimatid adiga oo Mindi wadnaha kaaga jirto.


Haddaba waxa layaabka ah ayaa waxa ay tahay in Wadaad Xamdi ay dhimatay iyada oo gubanaysa kaddib shil diyaaradeed oo dhacay sannadii1950-kii. HalkaKaamiiliya iyaduna uu dilay tuug gurigeeda usoo dhacay oo Mindi wadnahaka geliyay sannadii 1994-tii.

 

..............

 

Fannaanka caanka ah ee Carbeed ee lagu magacaabo Ismaaciil Yaasiin ayaa waxa uu leeyahay hees caan ah oo ku jirta Filimka la yidhaahdo: "اﻟﻌﺼﻤﺔﺻﺎﺣﺒﺔ" Heestaas waxa ku jirta ereyo

uu ku leeyahay: Illaahayowfaqiir aan waxba haysan iga dhig. " اﻟﻠﻬﻢﻛﻤﺎن أﻓﻘﺮﻧﻲ اﻟﻠﻬﻢ،ﺟﻤﻴﻞ اﻟﻔﻘﺮ ﻋﺪوﻳﻨﻲأﻏﻨﻰ". Ugu danbayna waxa uu geeriyooday isagaoo faqri ah. Xitaaiyada oo la waayay kharashaadkii lagu duugilahaa janaasaddiisa.

 

.................


[email protected]

 

Mar kale wareysi lala yeeshay jillaaga caanka ah ee Carbeed ee lagu magacaabo Anwar Wajdi

- Ayaa waxa ay weyddiiyeen midka uu doorbidayo in uu helo 'caafimaad' iyo 'maal' haddii la yidhaahdo kala dooro.Waxa uu yidhi:Waxa aan doorbidayaa oo illaahayweyddiisanayaa in aan helo afarta maal adduun iyo sidoo kale waxa xanuun adduunkakorkeeda yaalla. Illaahay ducadiisi wuu ka aqbalayoo waxa uu noqdaytaajir afarta maal adduun Eebbe isugukeenay, laakiin nasiib darro, illaahay waxa uu ku sallidayxanuuno baas oo sababay in uu geeriyoodo isaga oo ah wiil dhalin yaro ah oo markaas uun dunidubilaw u tahay.

 

...................

 

Haddii aynu kusiisocono qormadeena, mar kale waxa dhacday in fannaankii caanka ahaa ee u dhashay boqortooyada SacuudiCarabiya ee lagu magacaabi jirayﻣﺪاح ﻃﻼل uuyidhi mar uu

waraysi siinayay fogaan-aragga MBC channel in uu yidhi: "Illahayow waxa aan kaa baryayaaoo aan kaa tuugayaa in aad nafta iga qaadid aniga oo badhtanka u taagan tiyaatarkii iyo masraxii aan heesaha ka qaadayay". اﻟﻤﺴﺮح ﺧﺸﺒﻪﻋﻠﻰ وﻫﻮ ﻳﻤﻮت ان

Haddaba in muddo ah kadibayaa waxa dhacday mar uu tagay Koonfurta Sacuudiga oo uu hees kaqaadayaytiyaatar ilyartu is qabatay oo Jamhuurkii oo dhan soo buux dhaayey; in uu kursigii Masraxa kadhacay oo uu dhulka ka soo go'ay,kaddibna wadnahu istaagay; halkaasna uuku geeriyooday.

 

Haddaba Suubbanihii Muxammad () (Shacni iyo naxariiskorkiisa ha ahaatee) waxa uu ka digay in aan waxyaabaha xun xun ee taban aan la saadsan oo aan afku lagu badin, sababta oo ah buu yidhi: "Samada Eebbe oo furan xilliyada qaarkood oo ducadunaMustajaab tahay".

 

ﻗﺎلاﻟﻨﺒﻲ)( ) ﺗﺪﻋﻮا ﻋﻠﻰ أﻧﻔﺴﻜﻢ، وﻻ ﺗﺪﻋﻮا ﻋﻠﻰ أوﻻدﻛﻢ، وﻻ ﺗﺪﻋﻮا ﻋﻠﻰ ﺧﺪﻣﻜُﻢ، وﻻ ﺗﺪﻋﻮا ﻋﻠﻰ أﻣﻮاﻟﻜُﻢ، ﺗﻮاﻓُﻘﻮا


ﻣﻦ ا¼ِ ﺗﻌﺎﻟﻰ ﺳﺎﻋﺔ ﻧ ْﻴﻞٍ ﻓﻴﻬﺎ ﻋﻄﺎء ﻓﻴﺴﺘﺠﻴﺐ ﻟﻜﻢ(

ﺻﺪق رﺳﻮل ا¼ ﺻﻠﻰ ا¼ ﻋﻠﻴﻪ وﺳﻠﻢ.

 

W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi

Cilmi baadhe, Qoraaiyo falanqeeye arrimaha Geeska Afrika. Ku suganBurco, Somaliland

 

Kala xidhiidh: Facebook account: Sayid-Abdirahman Abdillahi

Loading...
Loading...