Ciyaartii Caruurnimo, Cigaleeda Googaa,Ii Cug Kuuma Cugayee, Cirkaxaajadeenii.
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA
1-Ciyaartii caruurnimo,Cigaleedan googaa,
Ii cug kuuma cugayee,Cirka xaajadeeniye,
Xagge baan ku socona,Xukumada u talisa,
Xisbiyada mucaaridi,Xamar bay sugaayaan.
2-Xeelad weeye hoosoo,Waxa loo xaglinayaa,
Waa kala xodxodashe,Shacabyaw xariirtee,
Xoogooda maalee,Bahalahaw xaraysteen,
Xaafad xaafad noqoto,Xadhigiyo dilki baday.
3-Xulufaysi beel beel,Xeeldheeriyo sulaadiin,
Xusulduub qabiiliyo,Colaaduun u xaytoon,
Xeerinaynin dhaqano,Xeer qabanayaa jirin,
Xormadod xanbeeniyo,Xoogsigoodu dhiigyay.
4-Xigmadba waxay tidhi,Xantii fuli ma mogee,
Xoogagii farmaajiyo,Afrikaan la xoogsada,
Xarumo loo diyaarsho,Xagal daacshe qaranki,
Xunyow xumi u noqote,Xornimadi markaleXoor.
Ismail Abdillahi handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!