Ninkaa Maanta Madaxweynaha Dhan Lagu Aaminay Waa Ninkii Marxuum Cigaal Yidhi Sawkii Muuse Igu Yidhi Abtiyaashaa Stii May aheyn

0
Saturday November 23, 2019 - 09:09:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkaa Maanta Madaxweynaha Dhan Lagu Aaminay Waa Ninkii Marxuum Cigaal Yidhi Sawkii Muuse Igu Yidhi Abtiyaashaa Stii May aheyn

    Waxa aan Marnaba Inaka Qarsoomayn Taariikhda Isdabayaalka ah ee Dalkani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan Marnaba Inaka Qarsoomayn Taariikhda Isdabayaalka ah ee Dalkani Soo marey Inakoo Wax badan ka dhaxalney Nidaamkii uu inoo Dhisey inoona Dajiyay nidaamka iyo Hanaanka Dawladnimo oo hadii aan ilaahay Somaliland keeni laheyn Kama aynaan Duwanaaneen Hogaamiye Kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya.

Bal aynu Dib ugu Noqono Dhacdooyinkii Soo Dhexmarey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland iyo Madaxweynaha Maanta talada Dalka haya, Waxaa i Xusuusiyay Kalmad ku jirtey Hadalkii uu dhawaan u jeediyay( Xildhibaan-Waabeeye) , ee ahaa Markii uu adiga(Madaxweyne-Biixi), kaa Saarey Nidaamka ayaa la Heshiiyay Waxa Xusid Mudan in Gudoomiyaha Guurtida ee Xiligan(Saleebaan-Gaal), oo Markaa ahaa Wasiirka Maaliyada iyo Madaxweynaha Maanta oo markaa ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Dagaalkii Sokeeye oo ka Socda Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Waxa ay ka Qaadeen Lacag fara badan, Waxaaney ku yidhaahdeen Waxaanu soo afjareynaa Dagaalka (Maleeshiyadda) sida ay u yaqaaneen Waxaana Xusid Mudan in uu Muuse Marxuum Cigaal ku yidhi, 'Madaxweyne Abtiyaashaa Dagaalkii SNM ma ay galin gabi ahaantoodba lama garanayo Sababta Waa Cuqdad kujirta iyadoo lawada ogyahey in ay ahaayeen Saraakiishii ugu badnaa ee Halgankaa huriyay.


Haddaba Maxaa dhacay Shaw Marxuum Cigaal Waxa uu u Sheegay in Lagu Kicinayo Raggii adkaa ee Mujaahidiinta ahaa ee Soo galey Dagaaladii SNM ee Beesha Bariga Burco kasoo jeeday Laakiin Taasi Sidii Xaqiiqdu aheyd ayay u dhacdey oo Mujaahidiintii kasoo jeeday Galbeedka Burco Waxa ay Dhirbaaxo Kulul ku Dhufteen Ciidankii Qaranka iyo Ciidan Beeleedkii Loo abaabulayay,Waxaanay Qabsadeen Gudihii Magaalada Burco intii u badneyd, Lacag Jaceylkuna Waa iska Dabeecade Waxoogaa Saleebaan Bixiyay Mooyee intii kale Qaleylka ayay kusoo qeybsadeen isaguna Isagoo Intiisii jeebka kusoo Ritey ayuu soo Noqdey.

Maalintii Dambe markii la Isugu Yimid Shirkii Golaha Wasiirada Waxa uu Marxuum Cigaal Weydiiyay Su,aal aheyd Xagey Wax iska Badeleen Sawtan Burco Qolyihii inaka soo horjeeday Qabsadeen Kadibana Waxaa Su,aashaa ka jawaabay Saleebaan Waxaanu yidhi "Madaxweyne Raggan Burco Ku Dagaalamayaa, Waa Ragii Shaley isku meesh kawada Dagaalamay oo Wey is dagaal Yaqaanaan, Sidaa daraadeed ayey Qoloba Mar u qabsaneysaa Magaalada" Ayuu Saleebaan Gaal ku yidhi Marxuum Cigaal.

Markay halkaa mareyso Sheekadu ayuu Allaahu yarxame Marxuum Cigaal Beebkiisii.ka Rogey Buurigii Kujirey, Waxaanu ku Shubtey Mid Cusub Markuu Budh kasiiyay ayuu yidhi halkaa Saleebaanow iigu Celi Sawkii Muuse igu yidhi Abtiyaashaa 'Sta' kamay mid aheyn, Kalmadaas ayuu isticmaaley Waayo Ururkii SNM Wuxuu u yaqaaney(Sta), Kadibna Waa lagu kala Dareeray, Waxaanu Qabtey Shir-jaraa,id isagoo Sheegay in Dagaalky Mashruuc yahey oo uu Labada dhinacba Isagu(Cigaal), labadaba Madaxweyne u yahey Waana Maalintii Ay sitoos ah u jabeen Kooxdii Calancasta ee Markii hore isku xeeray.

Sikastaba ha noqotee Waxaa halkaa inooga Cad in Madaxweynuhu yahey nin Maalintaa ka been Sheegayay halgankii umadda Somaliland gaar ahaana Beesha Dhexe Soo gashey ee ay ka Sinaayeen Naf iyo Maalba Suurtagalna Ma aha in Maanta laga Raadiyo in uu dhex ka noqdo Hogaanka Dalka Waayo isagoo ka yar inta uu Maanta yahey ayuu Gees ka joogay Beel dhan Maantana hadalkeedba Daa Bal.aynu eegno halkuu Geedigaas inoo furo ileyn durtaba dheeli badan ayaa jira,e. Ilama aha in uu Ergadan ay Kamidka yihiin Mujaahid Xasan Guure iyo Raga kale ee Kamidka ah Wax ka Maqlayo, Laakiin Isagu Wuxuu jecelyahey in uu Xasan Shahar iyo Raga lamidka ah dhageysto.

Wabilaahi Tawfiiq
 
Nijiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...