Madaxweyne Muuse Muxuu Ka Yeelayaa Dhulka Ceelbardaale Ee Maqan Abtiyaashayo Waxa ay Nabadda Kugu Yeelaan Colaada Kuma Keenaane

0
Friday November 22, 2019 - 15:26:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Muxuu Ka Yeelayaa Dhulka Ceelbardaale Ee Maqan Abtiyaashayo Waxa ay Nabadda Kugu Yeelaan Colaada Kuma Keenaane

    Waxaynu Wada ogsoonahay in Madaxweynihii geeriyooday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu Wada ogsoonahay in Madaxweynihii geeriyooday,
Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal in uu Gogol u Fidiyay Muranka Dhulkii Mashruuca Ceelbardaale oo ay arintiisa Galeen Golaha Guurtida Somaliland Raggii ugu Garnaqeyda ahaa ee Odoyaasha ahaa ee Lagu Bud-dhigay Tiraba laba jeer  ayey mudo dheer u Fadhiyeen Sidii Xal Looga gaadhi lahaa Dhulkaa lagu Muranasanaa ee Dacwadoodu u Dhexaysay Beelaha Samaroon iyo Jibriil Abokor, gaar ahaan Reer Nuur iyo Jbiriil-Abokor Waxaanay kasoo Saareen Go,aan Culus oo aan hadal lahayn oo dhinac Walba laga istaagey.

 

Haseyeeshee, Waxa Dhacdey in aan habayaraatee go,aankaas la Fulinin islamarkaana, lagu iibsadey oo lagaga tanaasuley Geedisocodkii Dhismaha Qaranimada Somaliland oo Xiligaa yabyab aheyd, Waxaana Mar kale haddana ay u fadhiisteen Golaha Guurtida Somaliland oo ay Galeen Koox adag oo Mudo badan u fadhiyay iyaguna Wakhtigaas oo ku beegnayd Xiligii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo Madaxweynuhu garnaqii iyo go,aankii  halkaa ka dhacdey, aaney habayaraate Halkiisii laga Soo Qaadin maadaama uu Daahir Rayaale Tudhaale ka galey, Waxaana lagu Liqey in bal haddana Loo Seeto Dheereeyo hirgalinta Dimuqraadoyada iyo Doorashada si aaney Carqalad u galin Waxaana Xigay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo iyaduna Gacmaha ka laabatay Mashruuca Ceelbardaale oo aan Waxba kasoo qaadin halkii lagaga tagey.

 

Waxaan Wakhtigan Muran ka joogin in Beesha Reer Nuur ee Walaalahayo ah oo aanu Intaaba Suubaa Salaaxaynay ilaalinaynay, ka Dhawreynay in Nabarka la Xoqo Waxay Nagu noqdeen  Ninkii Waalnaa ee Layidhi Aqalk.a ha Gubin ee Yidhi Waabad i Xasuusiseen Markaa hala galo Wacyi Cusub Madaxweynaha Waxaan u Tirinaynaa in uu Reer Gabiley iyo Jibriil-Abokor ka Qaadey Dhul

 

Marba

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...