James Swan Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Hortaagan Doorashooyinka Soomaaliya

0
Friday November 22, 2019 - 14:25:48 in News by
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Hortaagan Doorashooyinka Soomaaliya

    James Swan Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Hortaagan Doorashooyinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Swan Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Hortaagan Doorashooyinka Soomaaliya


Wakiilka Gaar ah ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka Qarramada Midoobey in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah uu caqabad ku noqon karo doorasho la qorsheynayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Image result for james swan


Swan ayaa sheegay si loo gaaro doorasho '' Qof iyo Cod ah'' in ay khasab ku tahay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah in ay deg deg u soo afjaraan khilaafka dhaxdooda ah.


 

"Horumar laga sameeyo Ajendaha iyo himilada doorasho ee 2020 wuxuu u baahnaan doonaa isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa wadahadal iyo isu tanaasul u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaalka”ayuu yiri James Swan.


 

Wakiilka Qarramada Midoobey ayaa sheegay in muddo Hal Sano ah uu jiroo khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, Jubbaland iyo Puntland.


 

"Kadib in kabadan hal sano oo aan laheyn iskaashi wax ku ool ah oo u dhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, xaaladdani waxay caqabad ku noqotey hagaajinta iyo gaarista waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Hoggaamiyaasha Soomaaliya waa inay si deg deg ah wax uga qabtaan si loo kala lasoo afjaro ismari waaga udhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda”ayuu hadalkiisa kusii daray James Swan.


Laakiin dhinaca kale marka la eego James Swan ayaa imaanay hormarrada kale oo dowladdu ku talaabsatay, sida dhinacyada, Amaanka, Kobaca Dhaqaalaha iyadoo meel wanaagsan uu marayo qorshaha Deynta Cafinta Soomaaliya oo ay dowladda ka wada shaqeynayaan hadda hay'addo caalami ah.

Loading...
Loading...